Waxaan la yaabay oo aan hubo inaad la yaabi doontid.


 A C-WARAR

Dabcan shaqsigan aad sawirkiisa aragtaan waad garanaysaan. Waa sax waa eedaysane loo haysto danbi la xiriira dhaca dadka Muqdisho balse hadda taas kama hadlayno. Sheekada ninkan waa sida buug ay ku yaallaan dhiggaalo inay kaa nixiyaan mooye aan kaa farxinaynin.

04-tii bishan waxaa dhacday sheeko yaab leh oo ku saabsan! C/Fitaax. Xilligu waa duhur waxa uu ku sugan yahay xarunta hay'ada dambi baarista ee CID-da oo uu ku sugayo maxkamadayn . Waxaa yimid xarunta labo dumar ah oo ay la socdaan laba rag oo saraakiil ah. Dumarku sheekada ay halkan kala kulmi doonaan haddii ay ogaan lahaayeen dacwa iska daaye xittaa ma aysan hor istaagi lahayn ninkan .

Labada dumar oo ragoodu la socdaan aadna u muujinaya dhiiranaan ayaa la hor istaajiyay eedaysanaha. Dabcan saraakiisha ayaa sidaas codsatay loona yeelay . Haweenkii ayaa billaabay qayli & Gacan qaad & eedayn jeedin la xiriirta in ninkani dhac uu u gaystay 

laakiin waxa uu ninkan ku hadli doono & sida uu u badali doono guud ahaan sheekada halkaas ka jirtay cidina ma filaynin. ha ahaato haweenka dacwada ah , Ragoodii & madaxdii kale ee CID-da ka socotay ee goobta ku sugnaa .

Markii la eedeeyay , Dumarku qayliyeen, waxkastana ay sheegeen. C/FITAAX ayaa codsaday inuu mid & labo ka yiraahdo eedayntan & aqoonta kala dhaxaysa labada dumar .

Waa laga ogolaaday waxa uuna yiri " Anigu labadan dumarba aqoon ayaan u leeyahay. mid kasta oo kamid ah xiriir ayaa naga dhaxeeyay. Ma jirto in aan teleefan ka dhacay balse labadooduba siyaabo kala duwan ayay teleefannadooda ugu hilmaameen gurigayga. Waa sheeko cusub ! Ragii ayaa dib u jalleecay haweenkoodii. 

muxuu ka hadlaya ninkan , sidee waxaan u dhacday? Dumarkii yaa celinaya waa kuwan qayliyay oo candhuufay ninka . Ragoodi ayaa yiri warka caday. C/fitaax wuxuu yiri " waa yahay laakiin waxaan codsanayaa in la ii keeno teleefankayga gacanta .

Dabcan teleefanka waa laga reebay oo wuxuu yaalla qayb gaar ah oo katirsan C-I-D-A. waa laga aqbalay. Teleefankii ayuu la soo kala baxay , waxa uu soo bandhigay sawiro, qoraallo , codad & muuqaallo argagax leh . Naxdin, buuq & isqabsi ayayba sheekadii isku rogtay. 

Saraakiishii ayuu xaal ku xummaaday , dumarkii wax aysan filaynin ayaa ku dhacay. Marka ay halkaas maraysay Su'aal ayaa ku soo laabatay eedaysanaha . waxaa la waydiiyay sida uu ugu dhiirtay , damiirkiisuna u siiyay in uu xiriir la yeesho dumar la qabo , waxa uuna cod dheer ku yiri " ima anay sheegin hal marna inay yihiin marwooyin reer leh .

Yaan war idinku daallininee sheekadu waxay ku soo biya shubatay in halkaas lagu furey labadii haween , saraakiishii oo ilmanaya , dumarkii oo dhafoorada haysta , madaxdii C-I-D-A qaar ee meesha joogay oo naxdin la fajacay .

Muqdisho waxyaabaha ka dhacaya alle hana mootiyo, dalkan masiibo ayaa ka jirta waana sababta uuba u harsan la'yahay .


Post a Comment

0 Comments