Waxaa la dhahay Caqliga ama Garaadka qofka bini Aadamka waxa uu ka yimaadaa 3 dhinac



 A C-WARAR

1- Qeyb waalidka uu ka dhaxlo

2- Qeyb Deegaanka uu degan yahay ama dadka ku hareeraysan uu ka helo.

3- Qeyb qaladaadkiisii hore uu ka barto

Micnaha haddii dadka kugu hareeraysan ay kuwa caqli ahaan aad u liito yihiin, waxay saameyn karaan garaadkaaga, oo xataa waxay ku gaarsiin karaan sida ay u fikirayaan oo kale inaad u fikirtid.

Dhanka kale Caqliga wax dhaxal oo keliya ku xiran ma ahan, waayo waxaad arki kartaa laba qof oo isla dhashay, oo xataa Mataano ah, aadna u kala duwan caqli ahaan.

Waxbarashadana Garaadka qofka way korisaa, balse mid booska Caqliga geli karto oo asiga dhan bedeli karto ma ahan. Imisaa shahaado PHD heysato, balse caqligu faaruq yahay.

Nin Oday Soomaali ah ayaa kuwa PHD wato intuu caqligooda ka yaabay yiri: "PHD-da xataa qof ay gasho ayay u baahan tahay.

Post a Comment

0 Comments