Qatar oo R/W/Rooble cadaadis ku saartey in dib u dhac laku sameeyo qaar kamid ah doorashooyinka



 A C-WARAR

dowlada soomaaloya ayaa dib u dhigtay doorashooyinka qaar isla markaana soo saarto jadwal doorasho oo cusub waxaa lagama maarmaanka u tahay qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah

R/W rooble ayaa lagu eedeeyey inuu dib u dhaca ku yimid doorashada uu masuul ka yahay waxaana lala xiriirinayaa ka dib wadahadalada ay khadka taleefanka ay ku yeesheen amiirka qatar oo taageersan Farmaajo

Kaligii taliye Farmaajo ayaa isku dayayo inuu xakameeyo hanaanka doorashada si uu xukunka usii wado shakiga laga qabo cadaalad darada doorashada ka dhacday Garowe iyo meelaha qaar

kadib markii Farmaajo iyo kuwa daacada u ah ay la wareegeen gacan ku haynta goobaha doorashooyinka iyo qatar oo garab siineyso ayna rabto in ay markale ay soo celiso kelitaliska 

Dowladda Qatar ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey saameyn xoog leh ku laheyd doorashada Soomaaliya waxayna afartii sano ee lasoo dhaafay taageero siineysay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Qatar ay sii wadaha taageerada Farmaajo si ay danaheyda ugu gaarto faragelinta qatar ayaa aad ugu xoogeysaneysaa gudaha dalka iyadoo waxay doonto ay sameyneyso weliba ay hada dib u dhigtay doorashooyinkii dalka ka dhici lahaa

 





Post a Comment

0 Comments