Khatar ween: Muqdisho iyo isticmaalka Cirbadaha Maanka dooriyo.

 


A C-WARAR

Waxaa Dalka gaar ahaan Magaalda Mogadishu ku soo batay isticmaalka Cirbadaha Maanka dooriyo.

waxaa isticmaalo inta badan Dhalinyarada Da’doodu u dhaxeeyso 12-26, kuwaa oo 70% ey Haween yihiin.

Cirbadihii la isku duri jiray ee Mamnuuca ka haa Suuqa in lagu iibiyo, kuna keeydsanaa isbitaalada oo kaliya, Bukaankana lagu Dabiibi jiray marka Dhakhaatiirtu Go’aamiyaan oo kaliya, ayaa Suuqa ku soo batay iyada oo ganacsi loo keenay, ama dan kale oo ah in Jiilka cusub laga dhigo Dhaqan ka bax.

sida aan soo ogaaday: waxaa ku soo kordhay

1. in Cirbadaha Dadka Sokor macaanka qabo Daawa kale lagu daro, kadibna lagu duro Dhalinyaro aan qabin Kaadi macaan.

2. Daawada dadajiso Foosha oo iyana Gacanta la isaga duro.

3. Daawada Kabaabyada iyo tan suuxinta oo la barxo lagina duro Dhalinyarada.

Ma ahan wax qarsoon kumanyaal dhalinyaro ah ayaa Habeen kasta lagu mudaa oo weliba raqiis looga iibiyaa, Arrintaa kama maqno Ganacsato aan aheyn kuwii aan naqiin, Hayado Dowli ah oo fududeyo Howshoodiina Gabay, Hayado Caalamiya iyo Dhaliyaro la duufsaday.

waxaan ka walwalnaa kuwa Qaraxa ku dhinto Maalin kasta, kuwa ka badan ayaa u dhinto Cirbadahaa.

Walaahi, waa khatar jirta oo aan aad uga naxay markii aan wax ka ogaaday jiritaankooda

Post a Comment

0 Comments