Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo hakiyay shaqo muhiim u ah doorashada Aqalka



 A C-WARAR

Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle C/xakiim Luqmaan ayaa la sheegay inuu hakiyay Magacaabida Xubnaha Guddiga qabanaya doorashada Aqalka Sare ee maamulkaas.

Sababaha uu u hakiyay magacaabida guddiga ayaa la xiriirta in uu yahay amar ka yimid madaxweenaha waqtigiisa dhamaadey farmaajo dadka siyaasad indho indheeyo ayaa aaminsan in uu farmaajo rabo in uu labada sano uu kadhabeeyo ee eheed mudo kurdhinta

Qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha baarlamaanada dowlad goboleedyada dalka ayaa weli laga sugayaa inay soo magacaabaan guddiyo xildhibaano ah oo qaban doona doorashada Senatorrada Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Puntland, Galmudug iyo Hirshabeele ayaan weli soo magacaabin xubnaha Guddiga qabanaya doorashada Aqalka Sare, halka Maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay shaaciyeen magacyada xubnaha gudiyadda doorashada aqalka sare.

Weli ma cadda sida looga gudbayo caqabada jirta iyo xiliga uu Guddoonka Baarlamanka Hirshabelle soo Magacaabayo xubnaha Guddiga qabanaya doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Somalia.

Dhanka kale waxaa lugooyadan qeyb ka ah maamulka waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Farmaajo uu gacan saar fiican la leh Hirshabelle.

qaswade M_Farmaajo wuxuu adeegsadaa dowladda taageerta HirShabelle si uu u carqaladeeyo dhameystirka doorashooyinka. isagoo adeegsanaayo guddoomiyaha baarlamaanka hakiyay magacaabida xubnaha guddiga qabanaya doorashada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya

kaligii taliye Farmaajo wuxuu doonayaa inuusan qaban doorashada madaxweynaha oo uu dib ugu laabto sheekadi kordhinta labada sano Beesha Caalamku waa inay ku cadaadiso Farmaajo inuu qabto doorasho. si dalka looga bad baadiyo dagaal sokeeye farmaajo wax uu ka naxaayo male kali taliyaha

Horay waxaa guddiyadaan u soo magacaabay guddoomiyeyaasha baarlamaanada Jubaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed Magaalada Kismaayo waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay doorashada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka imaanaya dhinaca Jubbaland, waxaana doorashada goobjoog ah guddiga hirgelinta doorashooyinka.

Jubbaland ayaa noqoneyso maamul goboleedkii ugu horreeyey ee bilaaba doorashada, gaar ahaan soo xulista Senatorada cusub ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.


Post a Comment

0 Comments