Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Yasmin Cabdi Faarax ayaa ka yaabsatay
rakaab diyaarad ka duuleysay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde
ee magaalada Muqdisho.
Diyaaradda oo ahayd nooca yaryar ayaa ku sii jeeday magaalada Dhoobley ee
gobolka J/hoose, hase yeeshee rakaabka diyaaradda oo rag u badnaa ayaa mar
kaliya ku baraarugay in kabta diyaaradda ay tahay gabar, taasi oo shaki weyn
gelisay maadaama haweenka aan looga baran inay diyaaradaha kaxeeyaan.
Kabtan Yasmin oo uu caawinayay duuliye rag ah ayaa la hadashay rakaabka
inta aanay diyaaraddu duulin, iyadoona sheegtay in mas’uuliyadda ay saaran
tahay dadka rakaabka ah, isla markaana dhinacoodana ay tahay masuuliyad saaran
bed qabka diyaaradda iyo inay la socdaan bad qabka diyaaradda haddii cillad ku
timaado.
Diyaaradda oo siday ku dhowaad 30-rakaab ah ayaa siyaabo kala duwan hadlay
in diyaaradda ay saaran yihiin ay waddo qof haween ah ayay sheegeen inay si
weyn u soo dhoweynayaan gabadha Soomaaliyeed.
Duuliye Yasmin Cabdi Faarax oo ay ku adag tahay ku hadalka af Soomaaliga
ayaa sheegtay in diyaarad wadista ay ku baratay magaalada Nairobi ee dalka
Kenya, iyadoona sheegtay inay si weyn u daneyneysay diyaarad wadista, iyadoona
sheegtay in markii ay ka baxday dugsiga sare kaddib ay waxbarasho u gashay
barashada diyaarad wadista.
Waxay kaloo ka warbixisay Kabtan Yasmin hababka kala duwan ee diyaaradda
loo wadayo xilliyada ay hawada ku jirto, waxay hoosta ka xariiqday in hamigeedu
yahay sidii ay u noqon laheyd duuliye caalami ah.
0 Comments