Fikir cajiib ah ayaan idin la wadaagayaa:

 


A C-WARAR

Marwalba Masaajidda waan ku arki jiray biyo la cabo oo gees ka yaalla Masaajidka, balse maanta anigoo Masaajid Magaalada ku yaalla ku jiro, ayaan qeybta biyaha laga cabo ku arkay, biyo loo bixiyay qof Xaaji ah oo Marxuum ah.

Isla markiiba biyaha markaan cabay ayaan niyadda ka dhahay Xaajiga Allaha u naxariisto.

Marka fikirkaasi anigoo ka duulayo ayaa waxaa igu soo dhacday, dadka daneenaya inay Waalidiintooda Sadaqo Jaariya ah u baxsadaan inay sidaasoo kale sameyn karaan, oo hal Masjid oo dalkii hooyo ku yaalla ugu yaraan biyo geyn karaan, korontadana dhinac ka bixin karaan.

Waxaa laga yaabaa bishii dhan inay lacag yar qofka uga baxdo, dad badan oo Masaajidka Salaad u yimidna uu sidaasi ku haraad bixiyo, marxuumkii ama marxuumaddii biyahaasi loo sadaqeeyayne uu Ajir badan ka helo.

Xataa biyaha warqad yar baad ku ag dhejin kartaa inay waqaf u yihiin Marxuum hebel, dadka ayagaaba duco niyad ah iyo mid af ahba isugu dari lahaa.

Waalidka marka uu nool yahay oo keliya xaqiisa kuma eka, haddii uu geeriyoodayana in wax loo bixiyo, loona duceeyo wuu istaahilaa.

Kawarama bal arrinkaas?

Post a Comment

0 Comments