A C-WARAR
Shalay waxaan tagay deegaanka Lafoole. Waxaan gaari caasi ah ka raacay
suuqa Daawada ee Bakaaraha. 38 kun($1.5) ayaan gaariga ku raacay, waxaana jidka
ku sii jirnay ku dhowaad 2 saac. Markii iigu dambaysay ee aan Lafoole tagay oo
aheyd May 2020 waxaan gaariga ku raacay 9 kun($0.3), waxaana waddada ku sii
jirnay muddo nus saac ku dhow.
Ma taqaan sababta aan u daahnay, lacagtaas badanna la iiga qaaday? Waxaa
Ex-Control Afgooye ka xiran waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo dhowaan
la dhisay.
Gawaarida dadweynaha sida caasiyaasha, baabuurta yar yar iyo
bajaajta looma ogola in ay maraan. Sababtaas ayaana ugu leexannahay waddo
qardajeex ah oo jaam badan oo laamiga Warshadaha uga leexata dhanka Deyniile,
inta aan la gaarin Ex-Control Afgooye.
Waxaan laamiga uga dhacnay inta u dhexeysa xerada Maslax iyo Sarkuusta,
askar halkaas fadhiso ayaana gaarigii aan saarnaa ka qaadatay $1. Markii aan
sii mareyno Xaawo Cabdi waxaa na istaajiyay askar kale, waxayna gaarigii ka
qaateen $4. Soo laabadkii waxaa soo raacay caasi kale, waxaana laga qaaday
lacagtii oo kale.
Sii socodkii iyo soo laabadkiiba waxaan jaam ku galnay waddada isku xirta
laamiga Warshadaha iyo Soddonka, waa tan ka soo leexata Kulyadda Jaalle Siayad
ee ka so dhacdo Warshadda Caanaha. Darawalkii ayaan waydiiyay sababta ay
waddadaan mar kasta jaam u tahay, wuxuuna ii sheegay in ay
halkaan wada maraan
gawaarida ka timaada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Gedo, Baay, Bakool iyo
Shabeellada Hoose, maadaama laamigu ka xiran yahay Ex-Control Afgooye, aysanna
ku gudbi karin kan Warshadaha oo ka xiran Gaashaandhigga. Intaas waxaa u sii
dheer in labada seed ee laamigaan uu midkood u xiran yahay Kulyadda Jaalle
Siyaad.
Dhibka jidkaan lagu qabo waxaa ka sii daran in uu sicirbar sababay oo uu
badeecada ku qaaliyeeyay dadka ku noo deegaannada ka dambeeya Ex-Control
Afgooye.
Waayo, gawaarida xamuulka ah ayaa galabkii loo furaa Ex-Control
Afgooye. Halkii gaari waxaa halkan looga qaadaa $196. Markii uu Boodboodka sii
marayo waxaa laga qaadaa $92. Kontoroolka Baar-Ismaaciilna waxaa looga qaadaa
$214. Halka baabuur oo badeecada sido waxaa sidaas looga qaadaa $502
.
Lacagahaas waxay ganacsatadu ku dallacayaan qiimaha badeecada, waxayna ka go’an
tahay jeebka dadweynaha sii iibsanaya. Waxaa la mid ah baabuurta Muqdisho
khudaarta uga keento Shabeellada Hoose, oo qiimaheedu kor u kacay.
Laamigaas dhibkaas lagu qabo shaqo kama socoto oo waxaa dhismihiisa la
dhammeeyay bishii Maarso, shirkaddii iyo shaqaalihii dhisayna waxay hadda ka
shaqeeyaan laamiga isku xira Muqdisho iyo Jowhar.
Mana garan karo sabab uu u
xiran yahay oo ay shacabku silacaas u marayaan haddii aysan shaqo ka soconin,
oo aan qorshaxumo iyo damiirxumo ka aheyn.
Raysulwasaare Rooble markii uu furayay waddada isku xirta Tarabbuunka iyo
KM4 wuxuu sheegay in uu Muqdisho ku noolaa, oo uu garanayo xanuunka uu leeyahay
jid la xiray. Mudane Raysulwasaare,
silac iyo saxariir badan oo sicirbararkuna
u sii dheer yahay ayay shacabku jidkaas ku qabaan ee fadlan xal u raadi dhibka
jidkaas ka taagan Oo xitaa haddii aan laamigaas la furi karin [oo lala sugayo
jidka Jowhar si hal mar xarigga looga jaro oo loogu galo olole doorasho],
fadlan noo fur seedka ka xiran jidka isku xira Warshadda Caanaha iyo Kulyadda
Jaalle Siyaad, si ugu yaraan uu jaamku waddadaas uga kala yaraado.
Shalay kaliya oo aan maray ayaan ku silcay ee ka warran dadka deggan
Garasbaalley, Tareedisho, Ceelasha Biyaha ilaa Afgooye ee ay maalin kasta
marriinka u tahay?!
0 Comments