Farmaajo oo bilaaway faragelinta toos ah in uu ku sameeyo doorashada somaliya

 


A C-WARAR

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ayaa maanta dooranaya Guddoomiye iyo ku xigeenkiisa, Xilka Guddoomiyaha waxaa u sharaxan 5-xubnood, halka ku xigeenkiisa ay ku loolamayaan 2-kale sida.

Codeynta ayaa u dhaceysa qarsoodi, waxaana lagu casuumay marti kala duwan sida qaar kamid ah Safiirada ku sugan Muqdisho, Xubno katirsan Beesha Caalamka, Xukuumadda Federaalka & kor joogteyn kale oo lagu casuumay sida uu sheegay Guddoomiyaha KMG ah ee Guddigaas.

Muuse Geelle Yuusuf Guddoomiyaha KMG ah ee Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ayaa tilmaamay marka la doorto Guddoomiye iyo ku xigeen in Guddigooda uu fadhi degdeg ah ka yeelanayo sidii loo bilaabi lahaa howlaha Doorashooyinka Dalka.

Musharaxa u tartamaya Guddoomiyaha & ku xigeenka waxaa laga doonayaa in uu buuxiyo shuruudaha la hordhigay, in uu hoggaamin karo doorashada dalka, in uu aqoon u leeyahay mas’uuliyadda howshaan, waxaana buuxiyay 5-ruux oo Guddoomiyaha u tartameysa iyo 2-kale oo ku xigeenka ah” ayuu yiri Muuse.

Todobaadkaan Waxaa dhanka kale la dooranayaa Guddoomiyaha & Ku xigeenka Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dowlad-Goboleed iyada oo la raacayo shuruucda loo dejiyay habraaca Doorashada Dalka.

Musharaxiinta u tartamayo xilka guddoomiyaha ayaa la sheegay inay taageero ka helayaan M_Farmaajo oo Daacad u ah oo kala ah Maxamed Muusa iyo madaxii hore ee guddiga,Maxamed Xuseen Ciro

tani ayaa ah faragelin cad ku ah doorashada si ka duwan wixii lagu qeexay heshiiskii Muqdisho

Farmaajo ayaa isku dayaya inuu meesha ka saaro hogaamiyaasha mucaaradka isla markaana uu ka hortago ololahooda doorashada.

 Farmaajo ayaa isku dayaya inuu ka hor istaago Saciid Diini inuu u tartamo doorashada soo socota ee madaxweynaha si uusan ula kulmin tartamayaal xoogan oo ka guuleysan kara.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa lasoo warinayaa inuu isku sharixi doono xilka Madaxweynimo ee Soomaaliya, wuxuuna durba wajahaya loolan siyaasadeed oo uga imaanayo Villa Soomaaliya.


Post a Comment

0 Comments