Dib u dhacyada aan dhammaadka laheyn ee doorashada, ayaa waxaa ku
raaxeysanaya madaxweynaha muddo xileedku ka dhammaaday Maxamed Cabdullahi
Farmaajo, oo hadda galay bishii lixaad ee uu kursiga ku fadhiyo isaga oo aan
sharciyad heysan.
qaswade Farmaajo wuxuu adeegsadaa maamulada daacada u ah si uusan doorasho
u qabanin iyagoo mar walibo marmar siyo la imaanaayo waxa uu kale adeegsadaa
sheekhyada qaar ka mid ah qabaa’ilka Gedo, Jerbhari iyo xitaa Banaadir si uusan
u guuleysan ololaha doorashooyinka dalka kaligii taliye M_Farmaajo
wuxuu si hooso hooseey ula kulmay odayaasha beeshiisa wuxuuna kula
heshiiyey inay ku taageeraan inuu xukunka sii hayo laba sano oo kale.aysana
qabsoomi doorasho dalka tusaalo gedo iyo banaadir qaska ka taagan waa mid lagu
soo hishiiyey
Farmaajo waxa kale uu doonaya inuu ku eedeeyo maamul goboleedyada dib u
dhigista doorashada si uu u xalaaleesto mudo kurdhinti ku sigtey dalka in uu
kadhoco dagaal sokeeye
maamul goboleedyada hoostaga farmaajo ayaa caqabda uguweey ku noqotey qabsoomida
doorashada iyaga iyo DFS oo ku doodaya inay wajahayaan dhaqaale xumo baahsan,
halka qaarka kalen ay ka cabsi qabaan in haddii ay lacagta jeebkooda ka
bixiyaan, aan dib loogu soo celin doonin
Hase yeeshee qabashada doorashada ayaa markan wajaheysa caqabad cusub, oo
ah cayaar siyaasadeed u dhaxeysa beesha caalamka iyo madaxda maamul
goboleedyada dalka, taasi oo salka ku haysaa lacagta ku baxeysa doorashada
beesha caalamka ayaa diiday inay bixiso lacagta ku baxeysa doorashada oo
gaareysa illaa 40 milyan oo dollar, ayada oo ku xirtay shuruud ah, in marka
hore lasoo geba-gebeeyo doorashada Aqalka Sare.
Lacagtaas ayaa waxaa dowladda federaalka laga rabaa kaliya inay bixiso afar
milyan, halka inta soo hartay, oo ah 36 milyan laga sugayo beesha caalamka.
Walaaca beesha caalamka ayaa ah, in haddii ay lacagta bixiso ay suurta-gal
tahay in siyaabo kale loo adeegsado, oo doorasho lagu qaban waayo, ayada oo
qiil ka dhiganeysa dib u dhacyada aan xisaabta laheyn ee horey ugu hareeyey
doorashada.
Waxay sidoo kale beesha caalamka qabtaa, in doorashada Aqalka Sare aysan u
baahneyn wax qarash ah, ama haddii ay u baahan tahayna aysan aheyn wax badan,
maadaama xildhibaanada Aqalka Sare ay soo dooranayaan xildhibaanada maamul
goboleedyad, oo ah kuwa iminkaba jira, islamarkaana shaqeeya.
Sida muuqata, Farmaajo waxa uu ugu yaraan heli doonaa hal sano oo dheeri ku
ah muddo xileedkiisa oo dhammaaday 7-dii Febraayo, 2021.
0 Comments