farmaajo iyo fahad yasiin oo ku hawlan sidii ay u carqaladeen lahaayeen doorashooyinka

 A C -WARAR

Ilo ku dhow dhow xubnaha Guddiga ayaa sheegay inay jirto faragelin bannaanka ah oo ku saabsan meel marinta awood xad dhaaf ah oo loo sameynayo Xogheynta Guddiga oo aan weli la magacaabin, afar jeer oo Guddiga kulmay la isku fahmi waayay mas’uuliyadda Xogheynta, isla markaana la wareego awoodda Guddoomiyaha.

Guddiga doorashada heer Dowlad Goboleed ee Hirshabelle ayaa maalintii afaraad isku haya habraacyada guddi hoosaadka,  awoodaha iyo mas’uuliyadda Xogheynta, iyadoo Guddigan uu illaa hadda leeyahay Guddoomiye iyo Kuxigeen.

Arrinta ugu weyn ee ka dhex taagan Guddiga ee uu qarka u saaran yahay inuu Laba Guddoomiyeyaal yeesho ayaa sabab u noqon karta haddii uu fulo qorshaha ka socda dhanka Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin oo la siiyo awoodda Mas’uuliyadda Xogheynta, maadaama uu u socdo Kursi Xildhibaan, sidoo kalena xubinta noqoneysa Xogheynatana ee awoodda dheeraadka loo sameynayo uu isaga wato.

Doorashada Senatarada Aqalka Sare ee la qorsheeyay inay ka dhacdo 25ka bishan magaalada Jowhar ayaa dib u dhaceysa iyadoo aysan caasimada Hirshabelle weli tegin Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo inta badan xildhibaanada Baarlamaanka oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Waxaa Hirshabelle ay ka mid aheyd guddiyada ugu dambeeyey ee doortay guddoonka hogaaminaya xilli dawlad gobolleedyada ay maalmo kasii horeeyeen.

Mamulka hada jira ee hirshabelle waxaa dhisay nin ay fahad yaasiin qaraabo hoose yihiin ilaa iyo hadana fahad yaasiin ayaa meeshaas fureheeda haysta taaso sharaf dhac ku ah madaxda hirshabelle Hir-shabeele waa maamulka ugu musuqa badan maamulada ka jira dalka iyo kan muqdisho uu hugaamiyo farmaajo


Post a Comment

0 Comments