DFS oo Eedayn Usoo Jeedisay Siciid Dani



A C-WARAR

Wasiirka Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan  ayaa weerar culus ku qaaday madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Wuxuuna  sheegay in Deni uu yahay musharax u taagan tartanka xilka madaxweynimo ee Soomaaliya

Jamaal ayaa sheegay in madaxeyne Deni uu dib u dhigay shaacinta inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya islamarkaana uu qorsheenayo inuu faragelin ku sameeyo doorashada xildhibaanada ee ka dhaceysa Puntland.

Maadama uu yahay musharax madaxweyne, Siiciid Deni waa inuu faraha kala baxaa dhammaan arrimaha la xiriira doorashada, oo uu si degdeg ah u joojiyaa faragelinta arrimaha guddiyada farsamada doorashada. Mar dambe aamusnaan kuma daawan karno faragelinta qaawan iyo dhaawaca loo geysanayo dimuqraadiyadda iyo kalsoonidii maamulka Puntland,” ayuu yidhi wasiir Jamaal

Saciid Abdullahi Deni wuxuu dib u dhigay ku dhawaaqista musharaxnimadiisa si uu saameyn ugu yeesho, una farageliyo doorashooyinka ka dhacaya Puntland. Odayaasha beelaha, wakiillada iyo musharixiinta baarlamaanka ayaa dhammaantood muujiyey walaac weyn oo ku saabsan heerka ay gaarsiisan tahay wax is daba marinta, cagajugleynta iyo faragelinta uu wado Deni,”

Hadalka kasoo yeeray Wasiir Jamaal ayaa kusoo aadayo xilli uu socdo loolan adag oo u dhaxeeyo xildhibaanada taageersan Xukuumadda Soomaaliya  ee kuraastooda ay taallo deegaanada Puntland iyo madaxweyne Saciid Deni oo saameyn xoog leh ku leh doorashada xildhibaanada.

Wasiir Jamaal ayaa ka mid ah wasiirada sida weyn ugu dhow madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Eedeyntan ayaa imaaneysa iyadoo laga baqayo cabsida uu Farmaajo ka qabo Saciid Dinni inuu yahay musharax adag oo doorashada ah cabsi farmajo ka qabo in Dani isu soo sharaxo madaxtinimada somaliya kagana guulasto.

Dhinaca kale Puntland ayaa ka jawaabtay hadalka ka soo yeedhay Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya, Xil.Jamaal Maxamed Xasan kaasi oo madaxweyne Deni ku eedeeyey in uu yahay musharrax is qarinaya.

Puntland waa dowlad jirta 23-sanno, horey waxaa uga dhacay doorashooyin heer Puntland iyo heer Federaal ah, oo qeybtood hal cod lagu kala adkaaday. 23 sano biseyl iyo qaangaadhnimo ka muuqato Puntland, waa nasiib-daro inaad isku daydo inaad sawir xun ka bixiso Puntland iyo dadkeeda, Taariikhda ayaa is qoreysa” Ayuu yidhi Af-hayeenka Puntland, Jaamac Dabaraani.

Post a Comment

0 Comments