Dalkaan haddii aad hadda ku cusub tahay,



 A C-WARAR

 waxaan kugula talin lahaa:

- Koow: Luqadda barashadeeda inaad xoog saartid, muhiim ma ahan inaad sharci heysatid iyo inkale, balse dalkaan haddii aad ku noolaan rabtid waa inaad Af fahmi kartaa, luqaddana hormarkaaga ayaa ku xiran.

- Labo: Waa inaad xirfad barasho sameysaa, gaar ahaan xirfad aad jeceshahay, oo aad ku raaxeysan kartid berri markaad ku shaqeynayso. (Si walba u raadi xirfad barasho, waayo dalkaan waxaa loo kala laandheereesan yahay sida loo kala xirfado waaweyn yahay).

Yaad tahayne cid ku dheheyso ma jirto, balse xirfadaada waa maxay ayaa lagu dhahayaa.

Iskuul ka baro ama Jaamacad ka baro, dhankaasi waa inaad ku dedaashaa.

- Seddax: Waxaad asxaab ka dhigataa dadkii dedaalaya, oo horay u socod ah, marwalbana ah kuwo nolosha dalkaan dhanka wanaagsan ka eega, dhiira gelinna kuu noqon kara.

- Afar: Ka fogow balwad, waayo naftaada, caafimaadkaaga iyo Diintaadaba uma fiicno.

- Shan: Weligaa dalkaan inta aad joogtid qalliin haku degdegin, waayo dhaqaatiir qarash raadis ah oo keliya ayaa buuxa, oo qalliin laga maarmo ku gelinaya, inkastoo ay horumar dhankaasi ka gaareen.

Marka halkaasna taxadar fiican u lahow.

Ugu danbeynna si walbaad u dareen badan tahay, yaysan ku sirin Xorriyadda Jinsiga ee Dalkaan, oo balaayo iyo xaaraan ha raadsan, waayo waa Diin xumo iyo xataa Caafimaad xumo.

Waad mahadsan tihiin inbadan.

 

Post a Comment

0 Comments