Beesha caalamku oo diidday inay maalgaliso doorashooyinka kadib kulankii rooble ee shaley

 


A C-WARAR

Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho ka dhacay 29-kii Juunyo, ee laga soo saaray go’aano ka mid yihiin jadwal cusub oo doorasho.

Se Beesha Caalamka waxay su’aal ka keentey  sida ay dowladda uga go’an tahay waqtiyada loo qabtay ee heshiiska ku xusan waxaana taas daliil u ah fashilka ku yimid qabsoomida doorashooyinka horey dhowr jeer

loogu heshiiyay xaqiiqda ayaa ah in Beesha Caalamka ay joojisay taageeradii ay siin jirtay Soomaaliya sababo la xiriira muddo kororsiga uu sameystay farmajo 

Rooble ayaa beesha caalamka hordhigay codsi ah inay bixiyaan dhaqaalaha doorashada qeybta Beesha Caalamka laga sugayo si doorashada loogu qabto waqtigii lagu heshiiyey sidoo kale

 Rooble ayaa beesha Caalamka ka codsaday inay kala qeyb qaadato sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho loo dhan yahay oo ay u siman yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda Codsigii Rooble ee ka yimid ayaa beesha caalamka ee ahaa in la maalgaliyo doorashooyinka sababo la xiriira hoos u dhac weyn oo ku yimid miisaaniyadda dowladda ayaa

 Beesha Caalamka waxay weydiisaneysaa damaanad qaad Rooble iyo Farmaajo inay qabtaan doorasho xalaal ah maalmaha loo qorsheeyay taasoo uusan Rooble balan qaadi karin.

Saameynta dhaqaale la’aanta dowladda ee dadka,ayaa keeney cudsiga rooble  maadaama shaqaaluhu aysan helin mushaaraadkoodii muddo bilo ah dowladda iyo madaxweynaha ayaa lumiyeen sharciyadooda tan iyo bishii Febraayo ee la soo dhaafay.

War-saxaafadeed kasoo baxay Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “waxa ayna ku bogaadinayaan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Dowlad-Goboleedyada

doodihii wax ku oolka ahaa ee ay yeesheen. Jawigii tognaa ee shirka oo ay qeyb ka tahay xiriirka lala sameeyey saamileyda sida Golaha Midowga Musharixiinta, ayaa aasaas u ah sii socod ka horumarka xagga doorashada.





Post a Comment

0 Comments