XOGTA Ugu Danbeysey Gabadhahii Somali Islii la Afduubay iyo Dad Hor Leh oo La afduubay



 A CWARAR

Xafsa Cabdi Axmed, waxay ahayd gabadh ka ganacsata qudaarta ka soo go’da beer ay iyada leedahay oo ku taalla deegaanka Bura oo ka tirsan Tana River, Gobolka Xeebta ee Kenya.

Shiindheys Sheekh Nuur, oo dhashay Xafsa Cabdi, waxay Universal Somali TV u sheegta: “Gabadheyda waxay ka shaqeyneysay beer Bura ku taalla. Aniga in ay qaraha ku maqantahay baan ogaa, waxaana maqlay in gabadha Nairobi lagu afduubtay. Waa la ii keenay sawirkeeda.”

Iyadoo oyneysa ayey tiri: “Qofkii i garanayo oo gabadhaas meel ku arka waa la raadinaayaa oo dowladda way mahadsan tahay, garab bay i siisay  Muslim iyo gaalbo, qofkii arka ha ii keeno”.

Mayd iyo nolol, wixii lagu hayaba hala ii keeno gabadheyda, ha la ii keeno ayey u sheegtay TV-ga Universal.

Xafsa Cabdi waxay dhiganeysay Jaamacad, waxayna ahayd qof isku filan oo shaqeysata. Waxaa la aaminsan yahay in lala afduubtay gabadh kale oo lagu magacaabo Xafsa Luqmaan.

Hooyadeed waxay tiri: “Baqaar ay ku lahayd Kayoole ayaa la i geeyay oo aan ka soo qaatay kabaheeda iyo dharkeeda oo dhiig leh. Hadey nooshahay iyo hadey dhimatayba – waxaan rabaa in la ii keeno

Xildhibaanka degmada kamukunji – oo Islii ay ka tirsan tahay – Yusuf Xasan ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in ay ka walaacsan yihiin sare u kaca “afduubka” iyo rabshadaha kale ee degmada.

Xildhibaanka laga soo doorto Garisa, Aden Barre Ducaale, oo ka mid ah siyaasiyiinta billaabay in ay la kulmaan laamaha amniga, wuxuu sheegay in ay warka ku hayaan in seddax gabdhood la waayay – Labo reer Islii ah iyo mid degganeyd xaafad lagu magacaabo kayole.

“Bulshada Soomalida ahaan, waxan waa shay nagu cusub. Walaac badan ayuu na geliyay labadii maalmood ee aan soo dhaafnay”, ayuu yiri Aden Ducaale.

Muuqaal argagax leh oo lagu bahiyay baraha bulshada oo ay ka soo muuqatay mid ka mid ah gabdhahaas, waxay sheegtay in kooxda haysata ay doonayaan illaa $50-kun oo dollar oo madax-furasho ah.

Post a Comment

0 Comments