waligaa sameeyso asxp kuu dhaw

 


A C-WARAR

Soomaalida waa dad jecel in ay arrimaha gaarka ah ee dadka ogaadaan, xataa qofka haddii aysan aqoonba idinka dhexeyn amaba ay markaasi isugu kiin horeyso.

Qof ayaad hadda is arkeysaan, isla markiiba waxa uu doonayaa inaad sal iyo dacal isku sheegtid ama uu kuu wareysto oo uu wax walboo naftaada ku saabsan ogaado, sidii inuu Askari danbi baare yahay camal.

Talo ahaan waxaan kugu siinayaa inaadan qof walba noloshaada gaarka ah iyo macluumaadkaaga dhan uga sheekeyn, adiga shaqsiyan uma baahnid asxaab badan oo hoose ama aad si wacan isugu dhowdihiin, waxaad u baahan tahay asxaab kooban oo asxaab hoose ah iyo wixii kasoo haray macrifo badan amaba yar oo aad kor iska taqaanaan.

Xilligaan hadda lagu jiro waxay mareysaa aqoontii caadiga ahayd ee uu qofku ku yaqaanay inuu kugu dhibaateyn karo, dadkana dad nooc kale ah ayay badankood noqdeen.

Marka dhaqanka dunida kale ka jiro oo kale dhinac ka raac, yeello asxaab kuu dhow oo kooban, iyo wixii kasoo haray dhan oo macrifo aad kor iska taqaaniin oo xad idiin dhexeeya ah.

Subax wanaagsan

Post a Comment

0 Comments