Suuqa kala iibsiga ciyaartooyda Yurub iyo heshiisyada la galayo Ciyaartoyda.

 


A C-WARAR

Daafaca Spain, Sergio Ramos, oo 35 sano jir ah, ayaa ka baaraan dagaya codsiyo ugga kala yimid kooxaha Manchester City, PSG iyo Bayern Munich, inta aanu go’aan ka gaarin qoladii uu aqbali lahaa.

Kooxda Tottenham Hotspur, ayaan heysan fursad kale oo ay uggu sii kordhiso heshiiska amaahda ee uu kula joogo Gareth Bale, oo 31 sano jir ah, xili ciyaareedkii labaad.

Ciyaaryahankan ayaa la filayaa inuu dib uggu noqdo kooxdiisii hore ee Real Madrid, halkaasoo uu ku qaadan doono 12 bilood ee ka harsan heshiiska lagula jiro.

Kooxda Rennen ayaa sheegtay inaanu wax codsi ah ka helin ciyaar yahanka reer France ee ka ciyaara qadka dhexe ee Eduardo Camavinga, iyadoo haddana lala xiriirinayo 18 sano jirkan kooxaha Manchester United iyo PSG.

Kooxda Roma ayaa qarka u saaran iney heshiis la saxiixato gool hayaha reer Portugal, Rui Patricio, oo 33 sano jir ah, una ciyaara kooxda Wolves.

Post a Comment

0 Comments