Run sheeg waa Qaran dumis, Argagixiso la jir ah, saas miyaa Xaalku?

 


A C-WARAR

1. Cali Sagxad waxa uu ahaa Ninka Deegaankiisa ugu Geela badan, Dadka waxa uu ugu faani jiray in uu leeyahay 300 Halaad. Laakin Bisha Sakada marka la gaaro, waxaa la ogaanayay in Geeliisu uu Shan ka yar yahay. Sekana lagama qaadi jirin. waxa uu dhihi jiray Sagxadaan aal.

(Miisaaniyadda Somalida marka Baarlamaanka loo gudbinayo Bisha December waxey korortaa Laba jibaar. Laba Bil kadib, Bisha February waxa la leeyahay Sagxadda ayeey taal, Si looga saaraana male ee Qaaraan Dooli, soo ururiya) ( F.S:1aad).

2. Oday Axmed Booto oo 70 jir ahaa oo Qurbaha joogo ayaa waxaa u timid Haweeney ka mid ah Dadka Sadaqada uruuriyo oo Xaafadaha ka qaado waxyaabaha isticmaal beelka ah, si loogu diro wadamada Sabuulka ah.

Axmed waxa uu Qolkiisa ka soo ururiyay Dharkii iyo Maacuuntii laga maarmay ee aan la isticmaaleeyn. waxa ey aragtay Axmed oo weli leh Sug, Sug oo shakisan oo Surwaalkiisii furayo, Halkaa oo uu ku ogaa Qalab kale oo howl gab ka noqday. ( F.S: 2aad)

( Axmed Hadda waxa uu yimid Somalia waxaana loo doonay Gabar 20 jir ah. wixii Qurbaha Howl gab iyo wax ma tare ku noqdo Somaliya miyaa la keenaa).

3. koo Reer Gaalkacyo ahaa ayaa Wakhtigii Kacaanka Gudoomiye Dagmo looga dhigay Degmada Xamar weyne. Markii 4 Saac uu uga sheekeynayay Reer Xamar weyne Muhimadda Geelu leeyahay ayuu yiri: yaanan Warka idinku dheereynin, aan idiin soo koobo hadalkee, waxaan u Dan leeyahay. kadibna 2 Saac oo kale ayuu hadalkii sii waday.

(Madaxda markii aan Fahmi weynay 4 Sanno, wax ey na leeyihiin, yaanan Xukunka idinku dheereeyn, kadibna 2 Sanno oo kale aaaa ).

4. Radiyo Dalsan ayaa qabtay Dood looga hadlayo Arrimaha Qooyska. 10 Rag ah oo Xaaslayaal ahaa ayaa oo ka qeyb gaahay 9 ka mid ahi waxa ey isku raaceen in Haweenku ey mar kasta ka saxan yihiin Ragga eyna tahay in taladooda la raaco, kii 10aad oo ka aamusay, mar dambe lama arag isaga oo Dood kale ka qeyb galyo waxa uuna noqday iskaabolo.

( Taageerayaasha Mucaaradka qaar ka mid ahi, waxey noo sheegaan in Mar kasta uu saxan yahay Musharaxooda Mucaaradku, Kii ka aamusana waa NN ama Siyaasadda lama socdo).

5. Nin ayaa Maxkamadda tagay oo yiri: Waxaan ka cabanayaa cadaalad daro, uu igu sameeyay Taliyaha Saldhiga Xaafaddu, markii la iga boobay dhulkeygii. waxaan rabaa in aan la kulmo Qaaliga Maxkamadda, mana rabo in aan aado Maxkamadda Qolada kale ee Geedaha hoostooda ah .

Waxaa lagu yiri: Qaaligii ma joogo Maanta, Dhul ayaa laga boobay, wuxuuna aaday Maxkamadda Geedaha hoostooda ah .

(Run sheeg waa Qaran dumis, Argagixiso la jir ah, saas miyaa Xaalku?)

6. War Gabdhaha Tuula joogata ah iyo Qurba joogta ha leyes fahamsiiyo.

Waxaa uu ku yiri: Babe, walaahi, la’aantaa Halkii saac, waxa uu ila noqdaa 60 daqiiqo.

Waxa ey ku tiri: Abowe sidaas miyaad ii jecashahay, ma halkii Saac ayaa 60 daqiiqo oo dhan kula noqday, haddan ku Aamini karaa.( F.S: 3 & 4aad)

(Shacabka Mucaarad iyo Muxaafad isku dan ah ayaa looga dhigaa Hal saac ama 60 Daqiiqo)


Post a Comment

0 Comments