Roobley oo magacaabay gudi baadi goobo dhalinyaro halka ay ku danbeeyeen askartii tababarka loogu qaadey dalka Eriteriya

 


A C-WARAR

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo baara cabashada

waalidiin Soomaaliyeed oo sheegay inaysan war iyo wacaal ka helin carruurtoodii oo ay sheegeen in tababar loogu diray dalka Eritrea

Dhalinyaradan tababarka ciidan loo qaaday oo kumanaan gaaraya ayaa la sheegay in laga qeyb geliyey dagaalka gobolka Tigray ee woqooyiga Itoobiya,  qaar badan oo ka mid ahna lagu dilay halkaas, sida ku xusan warbixin ay soo saartay QM

Talaabada uu qaaday RW Rooble ayaa ku soo aaday xili maalmihii la soo dhaafay ay magaalada Muqdisho banaanbaxyo cabasho ah ka dhigayeen 

waalidiinta dhalinyaradaas oo labo sano ka maqan dalka, iyagoo dalbanaya in meel lagu sheego nolol ama geeri

Sidoo kale waxaa jira dhalinyaro la sheegay inay kasoo goosteen askartii tababarka loo geeyey dalka Eritrea oo maalin ka hor lagu soo bandhigay

deegaanada Puntland, kuwaas oo sheegay inay wajaheen nolol adag, iyagoo ku cel-celiyey in loo doodo oo dalka deg deg loogu soo celiyo dhalinyarada saaxiibadood ahaa Eritrea ay uga soo tageen.

Raiiselwasaaruhu waa inuu ujawaabaa aabayaasha dhalinyarada oo uu shaaciyo meesha ay kuyaalaan kuna soo celiyaa dalkooda guddiga waa in uu noqdaa mid hufan aan musuqmaasuq seysaneey ragi kabanbeey ficilkaas lagula kacay waa in cadaalada la horkeena

Wararka ayaa intaasi ku daraayo in Magacaabista guddiga ayaa ka dhigan in dowladda ay ogtahay in askartu aysan joogin Eritreya

Farmaajo waa beenaale wuxuuna mudan yahay in la maxkamadeeyo isagoo qafaashay rag dhalinyaro ah una diray calooshood u shaqeystayaal dagaalkii Tigreega

 


Post a Comment

0 Comments