Qaramada Midoobay oo xaqiijisey ka qeebgalka ciidamada Soomaalia dagaalkii TPLF

 


A C -WARAR

Dagaal ooge qaswade farmaajo waxa uu ka aamusay inuu ka jawaabo cabashada Hooyin-ka iyo Aabayasha Somaliyeed ee caruurtooda uqaadey Eritrea kadibna uu dagaalka ka galiyay Gobolka Tigreega ee Ethiopia 

Hadda sida statementiga hoose idinka muuqata UN-ka report ay soo saaren waxay kucadeeyen in ciidankii Somalida intii xeryahoodi laga soo raray oo lasoo talaab siiyay xaduuda udhaxeysa Eritrea iyo Ethiopia ay Dagaal kagaleen Gobolka Tigreega.

Sidoo kale warbixinta waxaa lagu sheegay in dagaalyahanno Soomaali ah ay joogeen agagaarka magaalada la yiraahdo Aksum ee Gobolka Tigray.

Qoraalka uu soo saaray ergeyga qaramada midoobay ayaa ereyadii ku qornaa waxaa ka mid ah;

Waa masuuliyad daro aad uwayn in caruurtii Somaliyeed Farmaajo iyo Fahad yaasin ay galiyaan Dagaal aysan sharciyad uhaysan ayagoo fiirsanaya dantooda shaqsiga ah. Xaqa haddii afka laqabto feeraha ayuu kadilaaca.!

 Farmaajo Caruurta Gedo lagu wax leeyay waa kahadlay oo waraaqo badan buu kasoo saarey maxuu uga hadli wayaay Caruurta Kunaanka kun ah ee ku halaagmay Dagaalka Kasocda Gobolka Tigreega.

Marka laga soo tago wararka sheegaya ku lug lahaanshaha ciidamada Eriteriya dagaalka Tigreega, wakiilka gaarka ah wuxuu sidoo kale helay macluumaad iyo warbixino sheegaya in askarta Soomaalida laga raray xeryihii tababarka militariga ee Eritrea lana geeyay jiida hore ee Tigreega, halkaas oo ay ku wehlinayeen ciidamada Eritrea markii ay ka gudbayeen Ethiopia soohdinta.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in lagu arkay ciidamo Soomaali ah oo laga qaaday dalka Eritrea magaalada Aksum oo ka mid ah magaalooyika waaweyn ee gobolka Tigrey kuwaasoo ay dagaalo xoog leh ka dhaceen.

Farmaajo, Fahad Yaasin iyo Cidkasta oo lug kalaheyd in caruur Somaliyeed Eritrea lagu Adoonsado 2021 waa in Maxkad lasoo taaga.



Post a Comment

0 Comments