maamullada taageersan farmaajo oo wili soo magacaabin guddiyada doorashooyinka

 


A C-WARAR

Dowlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland ayaa noqday maamuladii u horeeyay ee soo magacaabay xubnihii guddiyada doorashada, maalmo un kadib markii magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiiskii doorashada.

Saddex ka mid ah maamul goboleedyada dalka ayaa ka caga jiidaya inay u gudbiyaan xafiiska ra’iisul wasaare Rooble liiska guddiyada doorashooyinka heer gobol iyo heer federal si loo dedejiyo arrimaha doorashada

Hase yeeshee maamullada HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, oo lagu tiriyo kuwa ku dhow madaxweyne Farmaajo, ayaan weli soo gudbin liisaska laga sugayo, waxaana durba soo baxaya tuhuno laga qabo arrintan iyo waxa laga damacsan yahay.

wararka qaar ay sheegayaan in tani ay tahay isku day la doonayo in lagu dheereeyo waqtiga qabashada doorashada, haddana Caasimada Online ayaa fahamsan in culeys siyaasadeed oo haysta maamulladan dartood ay ugu wacan tahay go’aan qadasho la’aantooda

Heshiiska 27-ka May ayaa dhigaya in dalka ay doorasho uga dhacdo 60 maalmood gudahood, hase yeeshee sida hadda ay wax ku socdaan waxaa muuqata inaysan doorasho ku dhici doonin muddadaas.

Waxaa la aamin sanyahay in madaxda daacada ah ayaa iskudayaysa inay qarxiyaan hanaankii doorashada ee lagu heshiiyay heshiiskii Muqdisho

Sidoo kale wax la aaminsan yahay in Farmaajo uu wali isku dayayaa inuu xukunka kusii sugnaado asaga oo adeegsanaya kuwa daacada u ah

Dhinacakale Farmaajo weli isku dayaya inuu xubno ku dhex yeesho guddiyada ka imanaya maamulladan,

halka sidoo kale Midowga Musharaxiinta oo hadda sidii hore ugu dhow madaxda HirShabelle iyo Galmudug ay iyagana loolan ugu jiraan inay wax ka helaan xubnaha guddiyada doorasho. Waxaa sidoo kale faro-gelinta aan ka marneyn xildhibaano miisaan culus oo loolan ugu jira dib usoo laabasho

Guddiyada doorasho ayaa la rumeysan yahay inay saameyn xooggan ku lahaan doonaan cidda xildhibaan noqoneysa iyo cidda kale, waana taas sababta magacaabistooda la isugu hayo. 

Post a Comment

0 Comments