Waxaa saacadihii lasoo dhaafay soo baxayay war ku aadan in liiska guddiga
doorashada heer dowlad goboleed laga saaray Xaawo Aadan Yare Culusow oo kamid
aheyd xubnihii uu dhawaan soo magacaabay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.
Gabadhan ayaa wararka aan helnay sheegayeen in ay is casishay kadib markii
Villa Soomaaliya iyo xafiiska Ra’isul Wasaaraha kahor yimid in xubin ka noqoto
guddiga doorashada, waxaana lagu eedeeyay in ay taageero u aheyd Badbaado
Qaran.
Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo
saaray ku sheegay Xaawo Aadan Yare Culusow laga saaray guddiga doorashada kadib
markii lagu eedeeyay in kasoo horjeeday Farmaajo ayna taageersaneyd
siyaasiyiinta mucaaradka.
Waxaa Guddiga doorashada laga saaray Xaawo Aadan Yare Culusow oo lagu
eedeyey in ay Farmaajo ka soo horjeeday, kana tirsanayd taageerayaasha
mucaaradka.” ayuu yiri Cabdi Raxmaan Cabdishakuur.
Musharaxa ayaa sidoo kale sheegay in wali guddiga doorashada heer federaal
iyo heer dowlad goboleed ku jiraan xubno badan oo kamid ah taageerayaasha
Farmaajo iyo kuwa dhar cad ah, waxa uuna xusay in tani mugdi galineyso dhax
dhaxaadnimada Rooble
Ku dhowaad 20 ruux oo taageerayaasha Farmaajo ah, iyo toboneeyo dharcad ah
ayaa weli Guddiga ku jira. Haddii uu sidan ku soo baxo liiska guddiga, waxay
tani mugdi gelinaysaa hufnaanta Guddiga iyo dhexdhexaadnimada Raysalwasaare
Rooble.” ayuu yiri Warsame.
Arintan ayaa imaaneysa xili la filayo in Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya
Maxamed Xuseen Rooble ku dhawaaqo guddiga doorashada labada heer iyo guddiga
xalinta khilaafaadka si loo guda galo hirgalinta doorasho raali laga wada yahay.
0 Comments