Jadwalka Doorashada oo la Shaaciyey

 


A C -WARAR

GO’AAMADA LAGU GAARAY SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARAN DOORASHADDA.

Habraaca Doorashadda

1. Tababarka iyo Doorashadda Guddoonka Gudiyada Doorashadda ( 30 June - 05 July 2021)

2. Doorashada Aqalka Sare (25 July 2021)

3. Diyaarinta Goobaha Codbixinta Doorashada ( 23 July 2021)

4. Soo xulista iyo diyaarinta Ergooyinka Doorashadda (15 July - 10- August 2021)

5. Doorashadda Xildhibaanada Doorashadda Golaha Shacabka JFS (10 August - 10 September 2021)

6. Dhaarinta Xildhibaanada iyo Doorashadda Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS (20 September 2021)

7. Doorashadda Madaxweynaha JFS (10 October 2021)

Go’aamada kale ee uu Goluhu gaaray:

Goluhu oo tixgelinaya Codsi ka yimi Haweenka Soomaaliyeed, wuxuu 50% ka dhimay Haweenka Soomaaliyeed khidmada laga qaadayay haweenka u sharaxan Baarlamaanka.

Jadwalka doorashada oo la shaaciyey ayaa aad loo hadal hayaa,iyadoo wixii xaley ka dambeeya si toos ah dalka doorasho looga daah furay.

Dib u dhigista doorashada mudo 4 bilood ah ayaa dan u ah Farmaajo.

Dib udhacaani wuxuu kusii kordhin doonaa dhibaatooyinka dhaqaale ee wadanka kadib markii ay istaagtay maalgalinta caalamiga.Dib udhaca doorashada ayaa u muuqato I uu Roobley u nuglaaday dalabkii Farmaajo ee ahaa inuu dib u dhigo taarikhda doorashada oo uu siiyo fursad uu kusii joogo xukunka

Soomaaliya ayaa beesha caalamka ka hesha taageero maaliyadeed oo xoog-leh taas oo lagu kabo miisaaniyad dowladda isla-markaana wax ka tarta dhaqaalaha dalka rw rooble wuxuu u nuglaaday dalabkii Farmaajo ee ahaa inuu dib u dhigo taarikhda doorashada oo uu siiyo fursad uu kusii joogo farmajo xukunka.


Post a Comment

0 Comments