Imaaraatka iyo Soomaaliya oo Saxeexida heshiis lagula dagaalamayo lacagta la dhaqay iyo taageerida argagixisada



 A C-WARAR

Waaxda Sirdoonka Maaliyadeed ee Imaaraadku waxay la saxiixatay Soomaaliya heshiis is-afgarad ah oo la isku weydaarsanayo macluumaadka maaliyadeed iyo la-dagaallanka lacagta la dhaqay iyo maal-galinta argagixisada, wadashaqeynta Imaaraadkuna waxay awood u siinaysaa dowladda inay joojiso maalgelinta Al-Shabab

Lacag dhaqidda oo ah fal dambiyeed waxa ay Dowladahaan iska kaashanayaan sidii wadajir ay ula dagaalami lahaayeen sida uu dhigayo is afgaradka saddex geesoodka ah oo ay qalinka kuwada duugeen.

Imaaraatka waxaa u saxiixay Ali Baaclawi oo ah madaxa qaybta macluumaadka dhaqaalaha, Aamina Cali oo ah agaasimaha Warbixinnada Maaliyadda ee DFS iyo Abu Hana Muxammad Raazi Xasan oo ah Madaxa Bangiga Bangladesh ee Macluumaadka Maaliyadeed.

Mas’uuliyiinta saddexda Dowladood ayaa hoosta ka xariiqay in lacag dhaqidda iyo maalgelinta waxa ay ugu yeereen Argagixisada ay tahay dambi u baahan in la gacan qabto dadka ku howlan sida ku xusan Warbixinta

Iskaashigaan waxa uu fududeynayaa aqoonta iyo waaya-aragnimada la dagaalanka lacag dhaqista & maalgelinta “Argagixisada” iyada oo la kaashanayo dhinacyada sirdoonka Caalamiga ah” Sidaasi waxaa yiri Madaxa qaybta macluumaadka dhaqaalaha Imaaraatka.

Bangiyada Caalamka waxaa dagaal adag lagula jiraa lacag dhaqista oo sababi karta in ay qiimo beesho isla markaana laga dhaxlo dhibaatooyin dhaqaale xumo ama sicir barar sida ay ku doodeen khubarada aqoonta u leh, waana tan keentay in Dowladaha ay xoogga saaraan kahortagga ka macaashidda in lacagaha la dhaqo.

hishiiska somaliya iyo Imaaraadku wuxuu cadeenaayaa sida ay uga goanta hay imaaraadka in uu somaliya kala shaqeeyo ciribtirka argagixisada Al-Shabab. dawlada UEA waa dal jecel nabada dalalka diriska uu la yahay somaliya hishiiskaan waxbadan ayuu u soo kurdhin

waxa ay eheed ookale in ay dawlada Somalia garato cida hiil u ah waxaan aad ugu mahad celineeynaa dalka Imaaraadku hadiyo jeer taageerada ay Soomaaliya la garab taagan yihii waxa uu ka mid yahay walaalaha jecel nabada somaliya oo hadiyo jeer lagarab taagan wanaagooda hishiiskaan wax badan ayuu somaliya u soo kurdhin

Safiirka UAE Ee Muqdisho kusugan ayaa sheegay inay laba jibaari doonaan xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya,lagana yaabo mad madowga jira in xal deg deg ah laga gaaro.



Post a Comment

0 Comments