Guddiga muranka dhaliye ee doorashooyinka oo Magacyadooda la soo saaray



A C-WARAR

Afhayeenka guddiga Ra’iisul Wasaaruhu u magacaabay hubinta xubnaha cabashada laga qabo, ahna Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala, ayaa sheegay in soo gaareen 67 xubnood oo ay soo gudbiyeen golaha midowga Musharixiinta iyo gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Afhayeenka guddiga ayaa sheegay in la kala saarayo xubnahaas iyada oo loo marayo Habraaca heshiiskii 17 September 2020, oo dhigayay in guddiga doorashada aysan ka mid noqon Karin xubno ka tirsan shaqaalaha dowladda iyo laamaha amaanka Soomaaliya.

Wasiir Al-Cadaalla ayaa sheegay in 67 qof ee loo soo gudbiyey lagu soo eedeeyey seddex eedeyn oo kala duwan oo ah:

1-In ay ka tirsan yihiin ciidamada qaranka dowladda federaalka Soomaaliya.
2- In ay ka mid yihiin shaqaalaha rayidka ee dowladda federaalka Soomaaliya.
3- Iyo inay yihiin siyaasiyiin iyo xubno daacad u ah madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo

Al Cadaalla ayaa sidoo kale sheegay sida guddigaasi u noqdo mid daah furan in sidoo kale la hubin doono aqoonta ay leeyihiin xubnaha guddiga doorashada heer Faderaal iyo heer Dowlad-goboleed, isaga oo ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan kalsooni.

Ugu dambeyn, wasiir ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya wuxuu sheegay in 12-ka saacadood ee soo socda ay ku dhameystiri doonaan shaqadii loo igmaday qodobka 1-aad ee heshiiskii dhexmaray madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada dalka.

 



Post a Comment

0 Comments