Farmaajo oo weerar afka ah ku qaadey siyaasiyiinta



A C-WARAR

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay munaasabadda 26-ka June ayaa ka hadlay xaalada dalka, taariikhda la soo maray iyo dhaliisha Siyaasiyiinta Somalida uga timaada qaar kamid ah bulshada Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa sheegay in ay u timid dhalinyaro midnimo doon ah, kuwaas oo uu sheegay in ay  u sheegeen in siyaasiyiinta Soomalida yihiin kuwo daneystayaal ah, isla markaana aan ka Shaqeyn danta dadka Soomaaliyeed.

“ Dhalinyarada ii timid aad ayay noogu fogaadeen, waxay  dhaheen siyaasiyiinta danaha dadka kama Shaqeeyaan ee danahooda iyo mida guryahooda ayay ka Shaqeeyaan, waxaana idin leeyahay hadalkaas waa dhab ayuu yiri” Farmaajo

Farmaajo wuxuu isku dayayaa inuu sumcad xumeeyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo uu faafiyo been abuur si uu jahwareer uga dhex abuuro muwaadiniinta una helo dareenka shacabka Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa isku dayaya inuu ku khiyaaneeyo maskaxda dadka Soomaaliyeed khudbadiisa in siyaasiyiintu ay ka shaqeynayaan danahooda tanina ay tahay isku day lagu kasbanayo dadka kadib markii ay cadaatay heerka musuqmaasuqu gaarsiisan yahay iyo inuu doonayo inuu xukunka sii joogo kali talisnimo

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay dhalinyarada inay istaagaan sidii Dhalinyaradii SYL oo kale oo aysan waxba ka sugin siyaasiyiin dano  gaar ah leh mararka qaarna xoog ay isticmaalaan sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo ayaa Afartii sano ee la soo dhaafay waxaa uu dhowr jeer fagaarayaal eedeyn kala duwna ugu jeediyay Siyaasiyiinta ka aragti duwan sida uu ku maamulayo dalka Soomaliya.

Farmaajo wuxuu isku dayaa inuu ka faa'iideysto dhallinyarada si uu uga helo  taageero dhanka doorashooyinka iyada oo lawada ogsoon yahay halka uu ku dambeeyay mustaqbalki dhalinyaradi loo qaday dalka Eratariya raiisel wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyadu waa inay dadajiyaan qabashada doorashada inta lagu guda jiro kulankooda Isniint si looga guddbo caqabadah ku xeeran dalka iyo si loo amba qaado geedi socdka dimuraadiyada lona helo madaxweyne hogaaminkara dalka iyo dadkab

Post a Comment

0 Comments