Booliiska magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta ee dalka Kenya ayaa baaraya
shabakad tahriibinta dadka ah, oo la rumeysan yahay inay ka dambeysay dilkii
gabar Soomaali ah loogu geystay gudaha magaaladaas.
Najma Cabudllaahi oo 19 sano jir ahayd kana soo jeedda magaalada Gaarissa
ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa Jimcihii la soo dhaafay la heley meydkeeda,
kaddib toddobaad la weysanaa.
Kahor inta aan la weynin, keliya toddobaad ayay Najma ku sugneyd Mombasa,
iyadoo la nooleyd walaasheed, waxaana loo maleynayaa in kuwa afduubtay ay
dhulka ku jiideen.
Salma Axmed oo ah agaasime ku xigeenka ururka u dooda xuquuqda aadanaha ee
Haki Afrika ee dhisan Kenya ayaa sheegtay in ururkooda ay soo gaareen
cabashooyin la xiriira tahriibinta dadka
“Waxaa ina soo gaaray cabashooyin ah in dad loo tahriibiyay dalalka sida
Soomaaliya, Suuriya iyo Yemen iyaga oo aan ogeyn. Tusaale ahaan waxaa jira afar
haween oo loo ballan qaaday shqooyin dibadda ah sida Sacuudiga, waxayna arkeen
iyaga oo ku sugan Soomaaliy.”
Booliiska ayaa ilaa iyo haatan xiray labo qof oo la sheegay in markii ugu
dambeysay ay Najma isla joogeen.
Sida ay sheegeen baarayaasha, xog laga helay telefoonka mid ka mid ah dadka
kiiska looga shakisan yahay, ayaa gacan ka geysatay baadigoobka shabakaddan.
Qofka laga shakisan yahay ayaa la sheegay inay u baxsatay magaalada
Eldoret, isla maalintii la waayay Najma, iyadoo la sheegay inay dhuumaaleysi ku
jirtay kaddib markii ay ka war heshay in baarayaashu ay ku raad joogaan.
Mrakii dambe waxaa laga soo qabtay magaalada Kangundo, xilli ay isku
dayeysay inay u baxsato magaalada Nairobi, maalin kaddib markii xaafadda Dongo
Kundu bypass laga helay Najma oo miyir daboolan.
Najma ayaa mar dambe isbitaal ku yaalla magaalada ugu geeriyootay dhaawacyo
kaga yaallay madaxa, wejiga iyo dhiigbax gudaha ah.
Ifraax Cabdullaahi oo ah Najma walaasheed ayaa sheegtay in la waayay xilli
fiidnimo ah abbaarihii 7.20 am, telefoonkeeduna uu dansanaa.
Weli ma cadda halka lagu hayay Najma muddadii saddexda maalmood ahayd ee la
weysanaa, balse goobjooge ayaa booliiska magaalada Mombasa kala shaqeynaya in
la soo helo dadkii ka dambeeyay afduubkeeda iyo dilkeeda.
Alaha u naxriistee, Najma Cabdullahi Macallin oo ka mid ahayd ardaydii
sannadkan ka baxay dugsiga sare, ayaa ugu dambeyn meydkeeda oo ay ka muuqdeen
dhaawacyo, laga helay deegaanka Bonje ee magaalada xeebeedka Mombasa ee Kenya.
Ilaa iyo hadda, waxaa gacanta lagu soo dhigay hal qof oo dumar ah oo loogu
shakisanyahay in dilka gabadhaas ay ka dambeysay.
Xasan Bashiir oo ka mid ah ehelada gabadhaas la dilay ayaa BBC Somali u
sheegay in “gabadha markii hore la soo helay iyadoo dhaawacyo ay ka muuqdeen,
ka dibna isbitalkii la geeyay ay ku dhimatay”. Halkaas waa meesha ay qoyska ka
heleen.
“Waxay dhaawacyada oga yaalleen laba dhinac ee wejiga iyo ilkaha hore iyo
kellida”, ayuu yiri Xasan bashiir.
0 Comments