Caqabado heysta qabsoomida Shirka Golaha wadatashiga doorashooyinka



  A C -WARAR

Waxaa weli hakad kujira oo aan qabsoomin shirkii ay ku balan sanaayeen in uu u furmo Golaha wadatashiga doorashooyinka oo ka kooban Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Shirka ayaa qorshuhu ahaa in uu furmo Sabtidii uu dib u dhacay, balse shalay uu markale dib u dhacay kadib markii uu shirka diiday ka qeb galkiisa Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in xalay ay yeesheen kulan khadkantaleefonka ahaa, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynaha Galmudug oo wada jooga iyo Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo ku maqan dalka Turkiga, waxaana kulanka uu ahaa mid lagu doonayay in lagu qanciyo Madaxweynaha Hir-Shabeelle.

Waxaa hubaala in farmaajo iyo siyaasiyiinta daacada u ahi rabin in somaliya gaarto doorasho xalaal ah oo loo dhanyahay iyo in hamigoodi noqday boob iyo inay awood adeegsadaan sidaa darteed waa inay Beesha caalamku sii wadaa taageerida geeddi-socodka siyaasadeed ee somaliya si loo gaadho doorashooyin xalaal ah oo dhibaatooyin iyo burbur labaad ka badhan

Isku dayga Guudlawe ee ah inuusan ka qeybgalin shirka ayaa lagu macnayn karaa inay tahay xeelad la doonayo in lagu fashiliyo shirka muqdisho ee lagu dardar galinayo arimaha doorashada dalka.

Se Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Roible ayaa dadaal ugu jira qabsoomida shirka si oo bilaabo dardar gelinta howlaha doorashooyinka.

 

Post a Comment

0 Comments