Banaabaxa xoogan oo maantey gilgiley magaalada Muqdisho kaasi oo kabilaawdey isgoyska KM4

 


A C-WAWAR

Waalidiinta carruur ay dhaleen ka maqan yihiin muddo sanado ah ayaa banaabax gilgiley caasimada  maanta ka dhigay Isgoyska Lambar Afar Ee Magaalada Muqdisho

Waxay sheegeen isku soo baxayaashani inay Madaxda Dawlada Federaalka ah ka doonayaan sidii ay uga soo jawaab celin laheyd qeylo dhaanta ay dirayaan maadaama carruurtoodii la waayey nolol iyo geeri

Madaxweyne Farmaajo & R/wasaare Rooble ayaa laga sugayaa jawaab ku aadan qadiyadaan oo dhowr jeer soo laab laabatay iskana diiday inay Xukuumada ka jawaabto baaqaasi loo soo jeedinayey,hayeeshee dhawaan Guddiga QM Ee Xuquuqul insaanka ayaa warbixin uu soo bandhigay ku sheegeen in ay heleen xog sheegeysa ciidamo soomaali ah ay ka dagaalameen Magaalada Qadiimiga ah Aksum oo Gobolka Tigree ku taalla

Haddii SFG-da waqtigeedu dhammaaday iyo hoggaanka SNA ay awoodi waayaan inay gutaan waajibaadkooda isla markaana ay wax ka qabtaan baaqyada ka imanaya waalidiinta ee dalbanaya halka ay ku sugan yihiin carruurtooda loo diray Eritrea, markaa Maxkamadda Sare ee dalka waa inay soo dhexgashaa oo ay iyaga wax ka weydiisaa

Wax ka xun malaha in ilmahaagii beer lagu fasho oo la addoonsado iyadoo dowladii masuulka ka ahaydna aysan kala jeclayn.

Farmaajo & fahad marnaba loogama aamusi karo arintan waayo iyaga ayaa dalka ka bixiyay carruurteenna kadibna u gacan geliyay Ereteria halkaas oo hadda ay ku haysato nolol aad u liidata.Codkaaga dheer kula hadal fahada yasiin & Farmaajo una sheek runta





Post a Comment

0 Comments