Al shabaab oo kurdhisey weerarada xili uu dalka isku diyaarinaayo doorashooyin


A C-WARAR

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa sheegay in ay dib ugala wareegeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe oo dhawaan uu dagaal xooggan ku dhex maray ciidamada xoogga dalka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay Al-shabaab ayey ku sheegeen in ciidamada DF ay iskaga baxeen degmooyin ay kamid yihiin Jowhar,Raaga Ceelle iyo Mahadaay iyo kuwa kale sida ay ku sheegeen qoraalkooda.

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab ayaa  maalmihii lasoo dhaafey ku dhax maraaye qeebo badan oo kamid ah dalka gaar ahaan shabeelooyinka oo kooxdu ay awood badan ku leedahay

Al-shabaab ayaana waxa ay tilmaameen deegaanada ay dib ula wareegeen ay sidoo kale ay qeyb ka yihiin Warciise, Qoordheere iyo Wararaxleey. Al-Shabaab ayaana sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya dagaal ay la galeen ay kaga 23 askari oo ay kamid yihiin sedax sarkaal.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dhankooda sheegtay in dagaal ay la galeen Al-shabaab uga dileen ilaa iyo 100 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab kuwaas oo ka dhacay gobolka Sh/dhexe.

Dhinacakale ciidanka loo yaqaan  Harimacad ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka ay soo qaadeen dagaalyahanada Al-Shabaab qeebo kamid ah magaalada muqdisho Dagaalka kadib ayaa ciidamada  Harimcad waxay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyeen degmada Heliwaa.

Maleeshiyada Al-Shabaab ee la dilay ayaa weerartay bar koontarool oo booliisku ku leeyihiin wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, in ka badan 100 qof ayaa ku sugnaa.Waxaa cad in Farmaajo markale dib u howl galiyay kaarkii Al-Shabaab Maxaa yeelay waa waqtigii saxda ahaa ee lagu carqaladeyn lahaa diyaar garowga socda ee doorashooyinka

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka, oo ay ku dhinteen in ka badan 100 qof oo ku nool Muqdisho.

Farmaajo, oo ah taageeraha ugu weyn ee Al-Shabaab ayaa faray xarakadda inay u dagaallamaan qalqal galinta amniga Soomaaliya, sababo la xiriira rabitaankiisa inuu carqaladeeyo doorashooyinka.

Post a Comment

0 Comments