Shirka doorashooyinka oo maalintii Saddexaad galay iyo rajo aad u fiican laga muujiyey



 A C-WARAR

Waxaa maalintii seddexaad wadahadalada ka socda magaalada Muqdisho. Shirka ayaa si habsami leh usocda maalintiisii ​​seddexaad waxaana lafilayaa in laga mira dhaliyo hadafkiisa waxaana muuqata in kasoo qayb galayaashu ay si buuxda isugu raaceen in doorasho laqabto. Waxay sidoo kale ka wada hadleen faahfaahinta guddiga doorashada iyo sida loo qaybiyo fududeeyayaasha

Shirka Madaxda ayaa waxaa looga hadlayaa dhammeystirka heshiiska 17 September oo horey ay u ansixiyeen Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka iyo xalinta khilaafka ka taagan doorashada dhaceysa.

Madaxda ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay siweyn dood uga yeeshay qodobo uu ka jiro khilaaf xoogan, una baahan in xal buuxa laga gaaro, si loo qabto doorasho xor ah oo heshiis lagu wada yahay.

Sidoo kale Madaxda ayaa Maanta oo Isniin ah sii amba qaadi doona qodobbada turxaan-bixinta u baahan ee arrimaha doorashada, waxaana la sheegay in laga sameeyay horumar wanaagsan, iyadoo la sii wadi doono ajandayaasha horyaalla shirka.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta suuragal ay noqoto in laga soo saaro qodobbo Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada, isla markaana lagu heshiiyo doorashada dalka ka dhaceysa.

Shirka ayaa waxaa hoggaaminaya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ka qeyb galaya Madaxda Jubbaland, Puntland, Galmudug, Hirshabeell iyo Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyadoona Madaxda ay rajo ka muujiyeen Shirka.

Shirka oo uu maanta shir-guddoominayay ra’iisal wasaare Rooble ayaa waxaa laga sameeyay horumar wanaagsan, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha dalka, Maxamed Xuseen Rooble

Madaxda ayaa bilaabay ka doodista qodobbada turxaan bixinta u baahan ee arrimaha doorashooyinka, waxaana laga sameeyay horumar wanaagsan. Iyadoo ay sii socon doonto falanqeynta ajandayaasha horyaala shirka,

Post a Comment

0 Comments