shirka doorashooyinka Afisiyooni oo berri lasoo xirayo

 


A C-WARAR

Farmaajo ayaa xaaladda meel halis ah geeyay: James Swan oo caalamka ku fadeexeeyay DF Khudbadiisa ayuu James Swan ugaga hadlay doorka uu Ra’iisul rooble kaqaatey dajinta xaaladi ay abuurtey muddo kurdhinti sharcidarada eheed uu sameestey

waxa uu sheegay in Geedi socodka siyaasadeed ee lagu hirgalinayo doorashooyinka Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay la kulmay caqabado badan oo ka socoto farmaajo waa sida uu hadlka u dhigay .james swan

farmaajo waxaa ka go'an in uusan shirku guulaysan,waxuuna ka dhex hadlayaa Mahdi Guuleed

dhinacakale Teendhada Afisiyooni ayaa waxa sida la filayo berri lagu soo gaba gabeenayaaa shirka wadatashiga Qaran ee doorashooyinka oo afartii maalin lasoo dhaafay usocday madaxda DFS,kuwa DG & Gobolka Banaadir.

Madaxda oo heshiis ku gaartay wadahadalkii bilawday 22-kii May 2021 ayaa isku fahamtay in Khamiista oo berri ah 27-ka May 2021 Munaasabad lagu soo bandhigayo heshiiska isla markaana ay ku saxiixayaan ku qabtaan Magaalada Muqdisho sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu


Sida uu sheegay Afhayeenka Xukuumada Maxamed Ibraahim Macalimuu waxaa lasoo saari doonaa war murtiyeed nuxurka qodobada shirka lagu soo koobayo.

Is faham ayaa laga gaaray arinta doorashada,waxaana bilowga lasoo dooran doonaa sida ay Warqaad ogaatay Xildhibaanada aqalka sare.

Warar ayaa sheegaya in Aqalka sare ay soo dooran doonaan Baarlamaanka dawlad Gobolleedyada,sida lagu muujin doono war murtiyeedka soo bixi doona.

Ilo wareed ayaa sheegaya in Heshiiska Qadiyada Gobolka Gedo,Muranka hareeyey Xubnaha Gobollada wuqooyi iyo Arinta Guddiga doorashada uu saldhig unoqday in weji labaad la isku soo laaban doono.

Hayeeshee waxa kasoo hormareysa doorasho bil gudaheed Aqalka sare lasoo dooran doono,sida aan akhbaaraadka ku ogaanay.

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayaa muujiyey tanaasul marka loo eego,qodobadii shirarkii hore lagu fashilmay.

Doorka Shirkaan iyo inuu najaxo ka qaatay Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa lagu amaanay,iyadoo Khamiista berri kuna asteysan 27-ka May shirka lagu soo gaba gabeyn doono munaasabad ballaaran Muqdisho.

In lagu heshiiyey hirgelinta doorashada waxay hormar ka sameyn doontaa in laga gudbo caqabadii doorasho ee taagneyd kudhawaad 8 bilood.

Wararkii ugu dambeeyey ee la helayo ayaa sheegaya in kulamo gaar gaar ah ay Muqdisho ka socdaan oo loogu diyaar garoobayo xiritaanka shirka Afisiyooni,maadaama maanta laga nasanayey isku imaatinkii madaxda.

Post a Comment

0 Comments