Qatar oo rabtah in ay somaliland ka dhigto muqdisho labaad



A C-WARARKA

Faragalinta Qatar ee arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland waa arin khatar ku ah Qatar waa dowlad taageerta Argagixisada oo dooneysa inay aruursato qeyrqqdka Soomaaliya.kadib turkeya markeey uga soo badisay muqdisho

Qatar waxay dooneysaa inay ku maamusho Soomaaliya iyo Somaliland lacag, hub, argagaxiso, Farmaajo iskuma dayo inuu iska caabiyo laakiin wuxuu ka caawiyaa inay xukumaan Soomaaliya. Farmaajo waa inuu tagaa si aysan Soomaaliya u hoos imaan Qadar.

Qadar waligeed ma aysan dooneyn inay xasillooni iyo nabadgelyo ku soo dabaalaan Soomaaliya, taas bedelkeeda,

Taageerada ballaaran ee ay u fidiso argagixisada ayaa noqotay mid muuqata. Somaliland waa inay si fiican ula socotaa in waxa ka dambeeya Qatar ay yihiin wax si sax ah u xun, maadaama Qatar Charity ay tahay garabka maalgalinta argagixisada ee Doha.

Somaliland in isbahaysi siyaasadeed ay la samayso dalka qadar waxay u horseedaysaa dhibaatooyin aan dhamaad lahayn sida soomaaliya oo kale taaso ay kow ka tahay alshabab ama urur argagixiso oo magaalooyinka somaliland kasoo baxa sidoo kale qorshaha qadar ayaa ah inay ku maamusho soomaaliya iyo somaliland lacag, hub, iyo inay ka dhigto dhul ay ku maal galiso argagixisooyinka ay taageerto

Shacabka somaliland ma ogolaanayaan inuu dhulkooda soo galo cadaw burburinaya oo musiibooyin iyo qaraxyo ka dhex abaabulaya waxaanan uga digaynaa dalka qadar qorshaha ay ka wado somaliland iyo damaca ay ku burburinayso dalkaa dhisa


Post a Comment

0 Comments