Farmaajo oo Dubbe siiyey amar in isbedel degdeg ah lagu sameeyo agaasimayaasha Wasaaradda Warfaafinta


 A C-WARAR

Madaxweyne xilka kadhamaadey Farmaajo ayaa la sheegay in xaley Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe uu ku amray in is bedel deg deg ah uu ku sameeyo dhammaan agaasimayaasha wasaaradda warfaafinta.

Amarka bedelaada ayaa ka soo horjeeda go’aamada ra’iisal wasaaraha ee ku aadan inuu dalka maamulo inta lagu jiro xilliga kala guurka.

Mar sii horeysey ayeey eheed Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble soo saaray xeer sheegayay in aan agaasimayaasha guud wax isbedel ah lagu sameyn karin, inta uu dalku ku jiro marxaladaan kala guurka ah.

Haddii ay dhaqan gasho tallaabadan waxaa laga baqayaa in ay dhaliso xiisad siyaasadeed oo cusub, maadaama awoodda ugu badan ee ololaha doorashada soo socota uu noqonayo warbaahinta, gaar ahaan tan qaranka oo looga baahan yahay dhexdhaxaadnimo dhab ah.

Warka ayaa intaas ku daraya Isbedelka oo la filayo in mantey  la dhaqan geliyo la la qorsheynayo in laga billaabo agaasimaha guud ee Wasaaradda Naasir Xuseen, iyadoo kadibna ay raaci doonaan agaasimayaasha qeybaha warbaahinta sida TV-ga Qaranka, Radio Muqdisho iyo SONNA oo qaarkood dhowaan xilalkaas loo magacaabay.

Arrintan oo laga cabsi qabo iney abuurto xiisad cusub oo siyaasadeed ayaa ku soo aadeysa xili Warbaahinta Qaranka ay muddooyinkan qaadatay siyaasad dhexdhexaad ah iyadoo baahineysay hadallada siyaasiyiinta Mucaaradka.

Farmaajo ayey wararku sheegayaan inuu dhibsaday arrintan, iyadoo  tallaabadan  khilaafsan tahay xeer uu Ra’iisul Wasaare Rooble soo saaray oo sheegayay inaan isbedel lagu sameyn karin agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha.

Post a Comment

0 Comments