Caalamku oo soo dhaweynayaa Heshiiska Muqdisho


A C-WARAR

Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay Heshiiska Muqdisho

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay iyo mareykanka ayaa ugu horeyn soo dhoweeyay heshiiska waxayna sheegeen in xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Gawart ay tahay in la ilaaliyo lana dhaqan galiyo sida ugu dhaqsiyaha badan

Bayaan ay soo saartay Beesha Caalamka ayaa loogu baaqay dhinacyada siyaasada Soomaaliya inay dadajiyaan heshiiska isla markaana ay abaabulaan doorashooyin dalka ka dhaca iyadoo beesha caalamkuna ay ka taageereyso Soomaaliya qabashada doorashooyinka

Mucaaradka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah Midowga ayaa soo saaray bayaan ay ku taageerayaan heshiiska doorashada waxayna sheegeen in ay dhaqan galinayaan heshiiskii doorashada ee dhacay 17-kii Sebtember

Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in dadaal badan lagu bixiyay sidii looga hortagi lahaa fowdo khalalaase amni daro iyo xaalad kalitalisnimo oo uu dalka gali lahaa waxayna sii wadi doonaan dadaalada ay kaga mira dhalinaayan in heshiiskii laga gaarey arrimaha doorashooyinka dalka

Dalkeena Soomaaliya wuxuu hada fulinayaa heshiisyo shacabka u damaanad qaadaya nabadgelyadooda iyo dimoqraadiyadooda, taasoo uu Farmaajo ka xayuubiyey shacabka iyo dhamaan xuquuqdoodii.Sidaa darteed, dadku waa inay u hogaansamaan fursadan weyn ee ay kula soo noqonayaan xuquuqdooda.

Soomaaliya waxay kusocotaa wadadii looga takhalusi lahaa dhamaan mashaakilaadkii uu keenay Farmaajo, iyadoo la kaashanayo ra’iisul wasaare Robley ay wax waliba sahal noqdeen si loo gaaro ujeedooyinka heshiiska.

 

Post a Comment

0 Comments