Arrimaha uu Shirka Rooble uga duwan yahay Shirarkii qaswade Farmaajo



Waxaa magaalada Muqdisho ka furmaya Sabti 22-ka bishan May 2021 shirka Qaran ee Wadatashiga Doorashooyinka, kaasoo ka duwan shirarkii ka horeeyay ee waqtiga dheer socday, kuna soo dhammaaday fashilka.

Rooble ayaa shirkan loo xilsaaray, kadib markii uu fashilmay muddo kororsigii  Farmaajo iyo Golaha Shacabka, magaalada Muqdishana ay ka dhaceen Dagaalo halis geliyey Amniga, waxaana shirkan laga qabaa rajo badan oo ka duwan, kuwii ka horeeyay ee uu Farmaajo hoggaamin jiray

 

Shirkan wuxuu kaga duwan yahay kuwii ka horeeyay in uu shir gudoominayay raiisul wasaare Muxamed Xusayn Rubli isla markaana uu kalawareegey hogaaminta shirka madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo kaasoo sababay burburka dhamaan wada hadaladii horay u socday, marka waa inaan ka faa'iideysanaa fursadan si aan u gaarno xalka dhibaatada.

rooble waxa uu haystaa fursad uu ku badbaadiyo dalka iyo danta shacabka uu ugaboxo hooska farmaajo

 

shan arimood ayuu uga duwanyahay shirkaa kuwii farmaajo

1- Iyadoo uu shirka hoggaaminayo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, meeshana uu ka baxay Madaxweynaha waqtigiisu dhamamaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo oo la saaray mas’uuliyadda eeda fashilka shirka.

2- Inuu Rooble taageero ka heysto beesha Caalamka iyo inta badan dhinacyada Soomaalida, siiba mucaaradka oo ah fursad aan hore u jirin.

3- Inuu shirku ku dhacay Jawi wanaagsan oo rajo leh, loona heelan yahay in heshiis la gaaro, iyadoo aysan jirin xafiiltankii hore ee kadeedkii siyaasadeed ee uu abuuray Farmaajo.

4- Inuu shirku yahay fursadii ugu danbeysay ee looga gudbayo is-mari waagga Doorashada dalka oo sanad ka badan oo jiitameysay, dalkana gelisay qalalaase dastuuri iyo mid amni.

5- Iyo inuu dhinac kasta iska ilaalinayo inuu qaato mas’uulyadda fashil xilligan yimaada, qolo kastana tanaasul ogoshahay markii ay soo xiree dhamman jidadkii kale.

Shirka Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka rajada laga qabo ka sokow wuxuu kaloo imtixaan siyaasadeed ku yahay kartida hoggaamineed ee Ra’iisal wasaaraha u leeyahay inuu si madax banaan u shaqeeyo oo kalsooni uga wada helo dhinacyada is haya, tasoo ugu danbeyn keenta heshiis Doorasho lagu aado.


Post a Comment

0 Comments