NISA Oo Hubka ka dhigtay Dhamaan Ciidankii Dhar cadka Muqdisho

 


A C-WARAR

War goordhaweyd kusoo dhacday Warqabadkeena ayaa sheegaya in Hay’ada Sirdoonka Soomaaliya,NISA ay kala dirtay Ciidankii Dhar Cadka ahaa.

Waxa la sheegay in ciidamada Dawlada kuwoodii NISA uqaabilsanaa Degmooyinka Caasimada la kala dir diray.

Taliyaha Xabsiga Godka Jilicoow Axmed Aadan ayaa iskugu yeeray Ciidanka kadibna Hubkoodii laga aruuriyey,waana la fasaxay.

Taliyaha waxa uu Askarta ku war geliyey in ilaa amar dambe ay xaafadahooda iska joogaan

Warar soo baxay ayaa sheegaya in ciidankaan dharka cad laga cabsi qabay in ay ku biiraan dhinaca Mucaaradka,balse Dawlada ayaa amartay in Bistooladaha laga uruuriyo waana la fasaxay.

Akhbaaraad kale ayaa sheegaya in Taliyaha NISA Fahad Yaasiin uu amarkaan bixiyey si aysan dhalinyaradaasi uga faa’iideysan Mucaaradka oo taliyeyaasha Booliska qaarkood ay xiriirka lahaayeen isku dhiibeen dhinacyada Dawlada kasoo horjeeda.

Halis amni ayey wajahayaan maadaama ay Al Shabaab beegsan karaan hub ay isku difaacaana aysan heysan.

Post a Comment

0 Comments