Maraykanka iyo Midowga Yurub UK oo ku hanjabay Cunaqabatayn

 


A C-WARAR

Dowladda Mareykanka ayaa uga digtay madaxda Soomaaliya inay saari doonto cuna-qabateyn iyo in laga xannibi doono dal ku galka Mareykanka, haddii aysan Dowladda Federaalka ka laaban muddo kororsiga uu Aqalka Hoose u sameeyay

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay aad uga niyad jabtay go’aanka ay dowladda federaalka Soomaaliya ku ansixisay sharci laba sano ku kordhinaya muddo xileedka madaxweynaha iyo baarlamanka

Waxaan caddeynay in Mareykanka uusan taageeri doonin muddo kororsi aan haysan taageerada saamileyda siyaasadda Soomaaliya, iyo hanaan doorasho oo hal dhinac ah iyo kuwa is-dhinac socda. Ficillada noocan ah waxay noqon doonaan kuwa aad wax u kala qeybiya,

waxyeeleeya hanaanka federaalka iyo isbeddelada siyaasadeed ee xudunta u ahaa horumarka dalka iyo saxiibtinimada beesha caalamka, waxayna dareenka ka weecinayaan Al-Shabaab. Waxay sidoo kale dib usii dhigayaan qabashada doorasho qancisa shacabka Soomaaliyeed,”ayuu yiri Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken

Sidoo kale waxa uu sheegay in ficillada socda dowladda Mareykanka inay dib u qiimeyso xiriirka ay la leedahay dowladda federaalka Soomaaliya, oo ay ku jiraan midka diblomaasiyadeed iyo kan kaalmo, isla markaana ay ka fakarayaan wax kasta oo ay heli karaan, oo ay ka mid yihiin cunqabateyno iyo xayiraado visa, si ay uga jawaabnmaan dadaallada lagu waxyeeleynayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya

Dhinacakale Qoraal ka soo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in tallaabadii mudo kororsiga aheyd ee shalay ay qaadeen xildhibaanada galaha shacabka ee baarlamaanka mudo xileedkiisu dhamaaday ay wiiqayso dadaalladii ay taageerayeen Midowga Yurub iyo Beesha Caalamka, si dib loogu dhiso Soomaaliya, iyadoo loo marayo is afgarad

Dhinacakale Maamulka Puntland ayaa maanta magaalada Gaalkacyo kusoo bandhigay saraakiil ay sheegtay inay kasoo goosteen ciidamada dowladda federaalka, gaar ahaan Kamaandooska Haramcad iyo Gorgor

Post a Comment

0 Comments