Jen. Townsend: Caqabada ugu weyn ee haatan ka jirta Somalia waa muddo kororsiga


 A C-WARAR 

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM) oo ka qeyb galayay madal ay kuwada hadlayeen Senatorada Mareykanka kuwaa oo ka dhageysanayay warbixino la xiriira dagaalka Al shabaab lagula jiro iyo go’aankii Trump uu ciidamada Mareykanka kala baxay Soomaaliya ayaa laga dhandhansaday xogo badan.

Su’aalo ay weydiiyeen aqalka sare ee dalkaas ayaa waxa uu cadeeyay  in xilligaan uu madaxweynaha DFS ee muuda xileedkiisu dhamaaday uu ka Qatar badanyahay kooxda Shabaab

Walaaca ugu weyn ee xilligaan naga heysta ma aha Al-Shabab, ee waa is-mari waaga siyaasadeed ee u dhexeeya DFS iyo dowlad gobaleedyada … Waqti kordhinta loo sameeyay xafiiska madaxweynaha, ayaan filayaa iney tahay caqabadda ugu weyn ee xilligaan,” ayuu dhahay Townsend oo ka jawaabayay su’aal uu weydiiyay Senator Jack Reed

Taliyaha ayaa xusay in muddo kororsiga uu sameestay madaxweynaha iney wiiqeyso horumaadii kala duwanaa ee Soomaaliya laga gaaray sanadihii ugu dambeeyay

Dhinacakale madaxweenaha waqtigiisa dhamaadey Farmaajo shalay seddax dharbaaxo oo talantaalli ah ayaa ku dhacday. Seddaxduba waxey dibada soo dhigeen hoggaamiye kooxeednimadiisa.

Tan koowaad, waa dhacdaddii garoonka diyaaradaha oo muujisay in nabadsugiddiisu dhaqan maleeshiyaad leeyihiin. Tan labaad waa shirkii uu ku soo uruursaday haraagii hoggaamiye kooxeedka iyo kuwii hormuudka u ahaa xasuuqii Itoobiya.

Tan seddexaad waa canbaareyntii uga timid Midowga Afrika, dunida inteedii kalana ku raaceen. Ruuxii maanta ka dib sii agjooga waa qof u af-duuban, sababtuba sidey doonto ha noqotee

Post a Comment

0 Comments