Farmaajo oo weeraray guriyaha ay degan yihiin musharixiinta madaxweynaha


 A C-WARAR

Magaalada Muqdisho waxaa shalay ilaa xalay ka dhacay iska hor imaadyo hubaysan oo u dhexeeya ciidamada dawladda iyo ciidamo kale oo ka soo horjeeda maamulka Madaxweyne Farmaajo oo dhawaan golaha Shacabku u kordhiyay muddo laba sano ah.

Goobaha ay dagaalada ka dhaceen ayaa waxaa kamid ah agagaarka Marinaayada, Xaafada Taleex iyo qeybo kamid ah wadada Maka-Almukarama, waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhsawac ah oo ka dhashaday dagaalada.

Xaalada Goobihii lagu dagaalamay ayaa Maanta ah mid degan, waxaana si teel teel ah u socda dadyow badankood u socda Shaqooyinkooda gaarka ah iyo kuwo xaalada qiimeeynaya.

Goobaha ay dagaalada ka djaceen oo ay kala deganaayeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxaa ay ku eedeeyay Dowladda inay, iyada soo weerartay, isla markaana ay iska difaaceen, balse waxaa warkaasi beeniyay Wasiirka Amniha Xasan Xundubeey Jimcaale.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in weerarkii Maleeshiyada Kaligii Taliye Farmaajo ee shalay galab iyo xalay ayaa la xaqiijiyay iney ku lahaayeen Weerarkii Ay Ku Qaadeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Khabiiro Turki iyo Saraakiil Sirdoon oo ka tirsan Maamulka Dooxa, waxeyna ka qeyb galeen dagaaladii ka dhacay Aaga Isbitaalka Laasaretti ee Degmada Kaaraan Iyo Ex Madaxtooyadii Hore Cabdiqaasin ee Gobolka Benadir.

Wararka hordhaca ayaa sheegay in Laba Urur oo ka tirsan Guutada Gorgor ay ka soo baxeen Xerada TurkSom Ee duleedka Jasiira kuwaasoo ku hubeeysnaa Gaadiidka qafilan ee Turkiga farsameeyo, waxaana hogaaminaayay tababrayaal Ciidamada Turkiga ka tirsan, iyagoo ka qeyb galay dagaalka Aaga Kaaraan.

Dhanka kale Saraakiil sirdoon oo Qatar iyo Eritrea u dhashay ayaa lagu arkaayay goobaha dagaalada shalay ka dhacay kuwaasoo talo bixin iyo xog-uruurin ka waday Agagaarka Garoonka ciyaaraha ee Stadium cons, inkastoo markii dambe la sheegay in Madaxtooyada Villa Somalia loo soo qaaday kadib markii xaalada xumaatay.

Waa ayaan darro weyn Dowladda Turkiga ay saameyn ku yeelato dagaalada sokeeye Ee Caasimadda ka dhacay, iyadoo Shacbiga Caasimadda ku nool ay qadarin iyo muxibo u hayeen, kadib gurmadkoodii sanadkii 2011-kii, waxaase isku qaban waayay Sida aan gabashada laheyn Ee u difaacayaan Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo, Dhimashada iyo Dhaawacyada shalay iyo xalay ka dhacay Magaalada Mogadishu Waxaa lagu geystay Hub iyo Gaadiid ay Dowladda Turkiga leedahay iyo Ciidamo ay soo tababartay.


Post a Comment

0 Comments