Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo bilaabey in ay dalkasoo galiyaan argagixiso laga keenay qatar


 A C-WARAR

Shaqaaqo u dhaxeysay Nabadusgida dharcada iyo shaqaalaha Waaxda Socdaalka ayaa saaka ka dhacday gudaha garoonka diyaaradaha, gaar ahaan qeybta dadka ka soo dega diyaaradaha caalamiga, gacan ka hadal ka dhashay muran labada dhinac soo kala dhex galay

ayaa sababay inuu burbur soo gaaro muraayadihii miiska Immigration-ka iyo qalabkii yaallay qeybta hubinta ee dal ku galka iyo gelitaanka loogu dhifto dadka soo dega

Wararka ayaa sheegaya in isku dhacan uu ka dambeeyay markii shalay dad ajnabi ah oo garoonka ka soo degay ay

Waaxda Socdaalka ku hakisay qeybta hubinta, lagana dalbaday damaanad iyo cida ay u socdaan, hase ahaatee intii ay howshaas socotay ayaa Nabadsugida dharcada ee garoonka ay dalbadeen inay raggan la wareegaan,

wararka ayaa sheegaayo in ay kayimaadeen dalka Qatar oo gacan saar laleh madaxweenaha waqtigiisa dhamaadey farmaajo iyadoo u soomareeyso nabad sugida fahad yasiin   

maalmo kahor ayeey eheed markii uu Stephen Schwarts, Safiirkii hore Mareykanka ee Soomaaliya ayaa wareysi uu dhawaan siiyey idaacada VOA-da waxa uu dowladda

Qatar ku eedeyay inay lacag sharci darro ah siiso madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, islamarkaana ay soo dhex-mariso Fahad Yaasiin oo uu sheegay inuu taas ka helay awood iyo saameyn siyaasadeed

Qatar ayaa muddooyinkii dambe lagu eedeynayay inuu heshiis hoose kala dhaxeeyo madaxda sarre ee dowladda federaalka, hase yeeshe inta badan waxaa eedeymahaas gaashanka u daruurta dowladda Qatar oo loolan adag ku wajahaysa gobolka.




Post a Comment

0 Comments