Beesha Hawiye oo diiday muddo kordhinta Farmaajo

 


A C-WARAR

Shirka Hawiye!

Kadib kulan ballaaran oo aay maanta isugu yimaadeen qaar ka mid ah waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beelaha Hawiye oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxa aay si weyn uga soo horjeesteen muddo kordhinta aay dhawaan sameeyeen Golaha Shacabka Soomaaliya.

waxay digniin adag u direen Taliyeyaasha ciidamada Dhulka, Booliiska iyo Nabadsugida kuwaas oo aay ku eedeyeen iney sigaar ah ugu shaqeyaan muddo kordhinta madaxweyne Farmaajo.

waxeeyna sheegeen in ay ssiwadi doonaan banaanbaxyada

Dhibaatooyinka uu Farmaajo dalka u gaystay waxaa kamid ah in uu dadka ku qasbo in ay qabiil ku laabtaan.

Waa isla jidkii uu Maxamed Siyaad Barre dalka marsiiyay ee qabaa’ilka ku qasbay in ay is abaabulaan oo ay dalka ka saaraan kaligiitaliska; SSDF, USC , iyo SNM.

Maanta halka shirka Hawiyuhu ka dhacay waxay ahayd in ay doorashadii la sugayay ee dalku ka dhacdo. Laakiin nasiib darro, tala xumida Farmaajo owgeed, ayuu dalku dib ugu laabtay abaabul qabiil.

Soomaalidu bulsho ahaan waxay u nooshahay qaab qabiil oo wali maysan gaarin heer ilbaxnimo oo dadku afkaar iyo dabaqado dhaqaale isku raacaan.

Haddaba, Markasta oo ay khatar wadareed ama dhaawac sharafeed dareemaan waxay u laabtaan qabiil.

Qabiilku dhibka Soomaaliyeed mustqabalka dheer iyo kan dhow toona xal uma ah adduunka casriga ah ee la jooga; Kaynaankii socday ee qabiilka looga bixi lahaa, dowlad madani ahna lagu dhisi lahaa waxaa khalkhal galiyay Farmaajo oo afar sano kaddib yiri labo sano ayaan ku darsaday.

Shirka war murtiyeedkiisa waxaa lagu caddeeyay labo arrin oo kala ah:

1. In muddo kordhinta la diiday, iyo

2.In Farmaajo aan Madaxweyne loo aqoonsanayn maadaama uu waqtigiisii sharciga ahaa dhammaaday.

Ka hor inta abaabul qabiil iyo hub aroorsi uusan billaabanin waxaa ka horreeyay talo soo jeedinta, iyo u caqli celinta nidaamka hadda jooga oo ka imanayay indheegaradka, siyaasiinta iyo bulshada rayidka ah.

Waxaa xaqiiqa ah in Soomaalidu tahay bulsho siman oo kali ah sharci iyo caddaalad lagu xukumi karo. Arrintan waxaa horay u arkay aqoonyahanadii caddaanka ahayd ee Soomaalida dhaqankeeda aragtay.

Waxaan soo xasuustay I.M lewis markuu buuggiisa cinwaan uga dhigay “ Pastoral Democracy” oo la mid ah reer guuraaga wadar sinnaanta ku wado kuwada socda.

Rag waxaan ku maamuli aqaan, ama ku maamuusi,

Masa inaanu nahay oo tolnimo meerto noo tahaye,

Oon waliba kaga miil caddahay, miirsi diiddaniye,

Masalaha ninkaan ii dhigeyn, midig ma saaraayo,

Ninkii aniga iga maarmi kara, uma muraad yeesho,

Saahid Qamaan!

Somalidu muddo korarsi diidday!

Dhinacakale 

taliyaasha ciidamada Gorgor iyo Alpha Group ay diideen in ay ka qeyb qaataan weerarka Saadaq Joon, oo laba mar ay dowladda isku dayday toddobaadkii tegay balse ku fashilantay

Xogta aan helnay ayaa tilmaamaysa in taliska Gorgor oo dacaayad iyo cambaareyn xoog leh kala kulmay weerarkii lagu qaaday madaxdii hore ee qaranka, islamarkaana ay todobaadkii tegay aba jeer iska diideen in ay markale ka qeyb qaataan weeraro salka ku haaya arrimo siyaasadeed. 

Sidoo kale taliska ciidanka gaarka ah ee Alpha Group islamarkaana ka tirsan NISA laakiin ka mid ah ciidamada ay tababartay dowladda Mareykanka ayaa diiday in ay ka qeyb qaataan weerarka ka dhanka ah Jenaraal Saadaq Joon oo dagan xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan




Post a Comment

0 Comments