beesha caalmka oo sheegtey in Farmaajo ku dayanayaa Afwerki.


A C-WARAR 

Wali waxaa isa soo taraya wararka la xiriira ka falcelinta tallaabadii dhawaan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ay wakhtiga ugu kordhiyeen hay’adaha dolwadda federaalka oo ay ugu dareen muddo laba sano ah

Agaasimaha Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch Kenneth Roth, ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay fariin qoraal ah oo uu ku muujinayo in madaxweynaha Soomalaiya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku dayanyo madaxweynaha dalka Erateriya oo muddo badan xukunka haya

Layaab malahan in madaxweynaha Soomaaliya Maxamaed Cabdullaahi Farmaajo ay Galaha Shacabku u sameeyaan muddo kordhin hal dhinac ah oo laba sano ah xili uu u muuqdo inuu qaadayo wadada madaxweynaha dalka Eratariya Isaias Afwerki isla markaana xukunka haya muddo dheer kaas oo bilooyinkii ugu dambeyay ay noqdeen xulufo aad isugu dhow” ayuu ku yiri qoraalkiisa Kenneth Roth

Dhinacakale magaalada muqdisho oo maalimihii danbeyay gashaey xaalad cakirnaan siyaasadeed ayaa waxay sababtay in qeybo ka mid ah xaafado ay ka baxaan gacanta dowladda  iyadoo xaley ay eheed habeenkiilabaad oo xaafadahaasi ay ka dhacaan banaabaxyo xoogan oo looga soo horjeedo kaligii taliye waqtigiisa dhamaadey farmaajo


Post a Comment

0 Comments