Banaabax weyn oo looga soo horjeedo Farmaajo oo ka bilowday Muqdisho


 A C-WARAR

War goordhaweyd kusoo dhacay Warqabadkeena ayaa sheegaya in rasaas xoogan ay bilaabatay daqiiqado ka hor sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ah

Dagaalka ayaa ka dambeeyey kadib markii ciidamada NISA ay ku baxeen Askar la sheegay inay gadood ahaayeen oo maanta qabsaday Sanco,Darjiinka ilaa fagax.

Rasaas kala duwan ayaa la maqlayaa, taasoo umuuqata is ka horimaad lamana ogaan karo khasaaraha inta uu la eg yahay.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeday ayaa la dareemayey saacadihii lasoo dhaafay Caasimada lamana oga xaalada sida ay noqon doonto wakhtiyada soo aadan

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay Is rasaaseyn galabta ka dhacday Isgoyska Sanca Ee Magaalada Muqdisho. 

Arintaan ayaatimid kadib markii Shacab careeysan ayaa gubay taayaro kuwaas oo kasoo horjeeda muddo korarsiga Madaxweyne Farmaajo waxeyna taageero u muujinayaan Ciidanka hada qabsaday Isgoyska Fagax.

Dad qaar ayaa ku dhawaaqaya erayo liddi ku ah Farmajo iyagoo wata boorar farabadan oo ey ku qoron yihiin erayo ka dhan farmajo iyo muddo kororsiga, waxaana la filayaa inuu ku baaho dhamaan xaafadaha kale ee magaalada Muqdisho

Ciidamo Milateri ah oo ka gadoodsan muddo korarsiga Madaxweyne Farmaajo ayaa qabsaday inta badan waqooyiga Muqdisho

Ciidankaan ayaa  la wareegay isgoyska Fagax waxaana halkaas isaga baxay ciidankii booliska ahaa ee halkaas joogay, sidoo kale degmada Kaaraan ayaa la sheegay in ciidankaan qabsadeen

Dhamaan goobaha ay qabsadeen ciidanka kama uusan dhicin dagaal waxaana goobaha qaar isaga baxay ciidankii joogay

Dhanka kale waxaa guud ahaan xiran wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho iyadoo isku socodka ay xakameysay DF Soomaaliya.

Waxaa la filayaa maanta in saraakiisha ka goodsan muddo kororsiga iney la hadlaan warbaahinta iyagoo diidan xukunka madaxweyne Farmaajo ee Labada sano.

Dhanka kale waxaa guul dareestay dadaalo ay waday DF Soomaaliya kuwaa oo lagu doonayay in ciidamada dib loogu celiyo furumahooda waxaana ay u dirtay xalay wasiirka amniga Xasan Xundubey iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odawaa.





Post a Comment

0 Comments