Faragelinta Qadar ay ku hayso Soomaaliya ayaa sii kordheysa maalinba
maalinta ka dambeysa.
Ra’iisul Wasaaraha Qatar Shiikh
Khaalid bin Khaliifa bin C/Caziiz Al Thaani ayaa xafiiskiisa Ku qaabilay
Wasiirka Amniga Soomaaliya, Xasan Xuntubey Jimcaale, waxa ayna ka wada hadlen
kaashiga amniga ee laba dal ee Soomaalia iyo Qatar
Booqashada ayaa waxaa
kaloo diirada lagu saaray amniga, in laga taageero Farmaajo
inuu sii wado xukunkiisa, taasoo xiriir la leh dowladda Qatar oo uu doonayo
inuu ku xoojiyo oo uu ku go'doomiyo mucaaradka si aysan uga qeyb galin
doorashooyinka
Qatar waxay sababtay kala qaybsanaan bulsho iyo mid siyaasadeed oo ka jirta
gudaha Soomaaliya, xaaladihiina way ka sii dartay, waxayna u rogtay dal ku
fashilmay dhanka siyaasada, waxayna baabiisay xiriirkii Soomaaliya ay la laheyd
wadamada deriska la ah iyo walaalaha Carbeed.Sidaa darteed, dadka Soomaaliyeed
waxay ka codsanayaan Qatar inay joojiso faragelinta gudaha. arrimaha
Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka.
Taliska Qadar ayaa door weyn oo muhiim ah ka ciyaaray dhaqdhaqaaqyada
siyaasadeed iyo militari ee ka socday Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay
isagoo qortay wakiilada sirdoonka si ay u basaasaan dowlada Muqdisho ayna ula
socdaan dhaq dhaqaaqyadooda si ay ula jaan qaadaan siyaasada Doha.
Waxaa uu kale laqaatey kulan Agaasimada guud ee Wasaaradda Amniga Turkiga
Mehmet Aktas labadaan dawlad ayaa ah kuwa maantey uu farmaajo ka helo taageero
wayo hadii uu farmaajo meesha ka boxo waxa eey ug yi hiin in eey meesha ka bixi
doonto danahooda sidaa darteeda aye u doo naayaan in uu farmaajo kursiga ku sii
fadhiyo
0 Comments