Mucaaradka oo Farmaajo ku eedeeyay carqaladeyta wadahadallada midowga musharraxiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha.


 A C-WARAR

Mucaaradka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo in uu carqaladeynayo wadahadallada midowga musharraxiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Waxaase nasiib-darro ah in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/laahi Farmaajo uu si ula kac ah u xagaldaacinayo wadahadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga

Kaddib markii uu isla-maalintii shirka loo ballansanaa uu ku dhawaaqay shir uusan sharciyad u lahayn u yeeriddiisa, kaasoo uu ku doonayo in uu ku carqaladeeyo wadadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga Murashaxiinta” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay midowga musharraxiinta.

Waxay sidoo kale ka digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta in la fashiliyo wadahadallada u dhexeeyay Ra’iisul Wasaaraha iyo mucaaradka.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen dowladda inay ilaaliso amniga shacabka ka qeybgeli doono dibadbaxyada ay ku dhawaaqeen in Sabtida ay ku qaban doonaan fagaaraha Daljirk Dahson.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo midowga musharraxiinta ay kulan ku yeesheen Muqdisho, waxayna ku heshiiyeen in mucaaradka ay qabsadaan dibadbaxyo nabdoon ammaankiisa ay xaqiijiso dowladda

Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri Farmaajo isagoo ka caraysan, kana cararaya Mudaharaadka maalinta Sabtiga iyo shirka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta u balansanyihiin maalinta Khamiista ayuu ku baaqay shir degdeg ah in ay isugu yimaadaan Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka maalinta Khamiista.

Mahad Salaad, ayaa sidaas darteed soo jeediyey in laga hordhaco qorshaha shirka uu iclaamiyey Farmaajo, lana soo hormariyo dibad-baxa mucaaradka.

Mar hadii Farmaajo rabo in uu isku qataaro Ciidamada iyo Shacabka bannaanbaxaya, Musharaxiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha, Dowlad Goboleedyda iyo Beesha Caalamka, Haddaba maxaa diidaya annagana inaan soo hormarsanno Mudaharaadka maalinta Sabtiga, lagana dhigo maalinta Arbacada ama Khamiista?!,” ayuu yiri Mahad Salaad.



Post a Comment

0 Comments