Mareykanka oo War kulul kasoo saaray Jahwareerka ka taagan Siyaasada Soomaaliya

 


 A C-WARAR

Bayaan good oo goor dhaweyd ka soo baxay xoghayahay arrimaha dibada Mareykanka Antony Blinken ayaa lagu sheegay in Mareykanku ka walaacsanyahay jahawareerka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya, taas oo khatar ku ah amniga, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.

“Waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Federalka iyo dowladaha xubnaha ka ah inay meel iska dhigaan ujeedooyinka gaaban ee siyaasadeed, ayna ilaaliyaan waajibaadka ka saaran dadka Soomaaliyeed, isla markaana ay oggolaadaan in si deg deg ah loo qabto doorasho daah furan oo loo dhanyahay” ayaa lagu ayuu Blinken ku yiri war- saxaafadeedkii uu maanta soo saaray.

“Caqabadaha taagan waxay dib u dhigayaan horumarkii la sameeya, wadada hadallada deyn cafinta ee ay Somalia ku socoto iyo la dagaallanka Argagixisada” ayuu sii raaciyay.

Blinken wuxuu bayaankiisa ku sheegay in Mareykanku taageersanyahay xuquuqda muwaaddiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin inay u mudaaharaadaan si nabad ah, ayna ay weyn uga soo horjeedaan koox kasta oo rabshado abuureysa.eeysan dawladiisu aqbalidoonin in uu dalak mar labaad galo dagaal sokeeye iyo in eeysan yeeli doonin kali talis nimo

“Waxaan ka codsaneynaa hoggaamiyaasha Soomaaliya inay ilaaliyaan mustaqbalka dalkooda, ayna gaaraan heshiis si deg deg ah loogu qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha” ayuu Blinken ku soo gaben-gabeeyay.



Post a Comment

0 Comments