WAR DAG DAG : Fahad Yaasiin oo NISA laga qaaday iyo taliyeyaal kale

 


A C -WARAR

Sida ay ilwareedyo muhiim ah u xaqiijiyeen shabakadda. A C, waxaa xilalka laga xayuubinayaa taliyeyaasha ciidamada kale duwan ee dowladda federaalka oo uu ugu horreeyay kan hay’adda NISA Fahad Yaasiin.

Xogtani oo rasmi ah ayaa la sheegay in taliyaha hay’adda nabad sugidda Qaranka Soomaaliyeed mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, lagu cadaadinayo inuu iscasilo, si uu meesha uga baxo tuhunka ay qabaan saamilayda siyaasadda oo musharrixiinta ay ugu horreeyaan iyo qaar kamid ah maamullada.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, taliyaha hay’adda NISA, islamarkaana awood badan ku dhex leh dowladda iminka jirta 

Fahad Yaasiin, ayaa lagu tiriyaa garabka midig ee Maxamed Farmaajo iyo garbaha uu ku duulo, isagoo sidoo kale la sheego in uu yahay wakiilka Villa Somalia iyo xukuumadda Dooxa ee dalka Qatar.

Madaxweynaha ay muddo ka dhammaatay ee Maxamed Farmaajo ayaa sidoo kale xilalka ka xayuubin doona taliyeyaal kale oo ciidamad ah, sida ilaha nala hadlay ay inoo sheegeen.

Xilka agaasimaha hay’adda NISA waxaa sii hayn doona ku xigeenka Fahad ee iminka xafiiska jooga, illaa laga gudbayo arrimaha doorashooyinka.

Qodobka ah in xilalka laga qaado taliyeyaashaasi waxaa uu kamid ah shuruudo ay doorashada ka qeyb-galkeeda ku xirtay Puntland, waxaana aad u soo dhoweeyay gollaha midowga musharrixiinta oo ay ugu horreeyaan madaxweynihii Farmaajo ka horreeyay ee Xasan Sheekh iyo hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Mucaaradka ayaa aaminsan in aan la isku hallayn karin taliyeyaasha ciidamada oo ay wada shaqeyn kala dhaxeyso madaxweynihii magacaabay ee Farmaajo, sidaa daraaddeedna ay adag tahay in ay doorashada ka qeyb galaan.

Saraakiisha diiday inaan magacooda isticmaalno waxaa ay Warbaahinta  A C u xaqiijiyeen in maalmaha ina soo aaddan isbeddal ballaaran lagu samayn doono taliyeyaasha ciidamada kale duwan ee dowladda FS

Post a Comment

0 Comments