Rabitaanka shacabka ayaa ka xoog badnaa hubkii Fahad Yaasiin iyo Farmaajo


 A C-WARAR

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiintu waxa ay isla garteen in dib Ioo dhigo mudaharaadkii qorsheysnaa maalinta Jimcaha ee ku beegan 26 Febaraayo 2021.

Dibadbaxyada dib ayaa loo dhigay, iyadoo heshiiskii hogaamiyaasha xisbiyada mucaaradka ay la galeen dowlada Soomaaliya, taa badalkeedana ay dowlada raali galin ka bixiso dhacdooyinkii usbuucii la soo dhaafay.

 Rabitaanka shacabka soomaaliyeed ayaa ka xoog badnaa Fahad Yaasiin iyo hubka Farmaajo midowga musharaxiinta ayaa carabka ku adkeeyay in raaligalin kasta oo ka timaada dhanka dowlada ay qasab tahay inuu la socdo baaritaanka xadgudubyada dhacay usbuucii la soo dhaafay

midowga musharixiinta mucaaradka ayaa dowlada u sheegeen in ay bixiso damaanad qaad caalami ah  in wixii dhacay aan dib loo soo celin doonin ayna shirarka soo socda lagu qabto goob amni ah, islamarkaana uu jiro damaanad qaad caalami ah oo korjoogteyanaya fulinta heshiisyada la gaaro.

In golaha musharaxiinta madaxweynaha ay si toos ah uga qeyb-qaataan wadahadalada doorashooyinka iyo wadatashiga  ayna dadajiyaan doorashada islamaraakana jadwalka lasoo saari doono uusan ka dheeraan muddo 60 cisho ah  

Shacabka Waxay dalbanayaan in dowladda ay  la shaqeyso beesha caalamka maadaama dowladda Farmaajo aan lagu kalsoonaan karin ballanqaadyadii hore awgood.

Post a Comment

0 Comments