Midowga Musharaxiinta oo qoraal xasaasi ah gaarsiiyey Wasaarada amniga DF

 


A C-WARAR

Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa maanta markale ka hadlay banaanbaxa ay ku dhawaaqeen inuu ka dhacayo magaalada Muqdisho, xili uu dalka marayo marxalad xasaasiya.

 Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu qabanayaa bannaanbax nabadeed oo ay ka qeyb galayaan hoggaamiyeyaasha Midowga, kaas oo lagu dalbanayo doorasho heshiis lagu yahay, xor iyo xalaal ah, waqtigeedana ku dhacda.” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen, golaha oo loo diray Wasaaradda Amniga ee dowladda federaalka

Mucaaradka ayaa shalay ku dhawaaqay banaanbax weyn oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, iyada oo dadweynaha ay iskugu imaanayaan Taalaada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, maalinta Jimcaha ee taariikhdu tahay 19-ka Febraayo.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo ku hadlayay Afka Musharaxiinta ayaa sheegay in banaanbaxaas uu yahay mid nabdoon, islamarkaana wax fowdo iyo dhibaato ah u keeneyn amaanka caasimada.

Waxaa uu sheegay in Musharaxiinta ay ka war heleen in dowladda ay doonayso inay carqaladeyso banaanbaxaas, oo looga soo horjeedo madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, laguna dalbanayo doorasho wada-ogol ah oo si dhaqso ah uga dhacda dalka.

Daahir Geelle ayaa ugu baaqay Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya, Cabdi Xijaar iyo guud ahaan taliyeyaasha ciidanka inay ka qeyb qaatan sugida amniga dadweynaha maalinta Jimcaha iskugu soo baxaya magaalada Muqdisho.

Waxa kale uu ugu baaqey in eeysan ciidamad wax dhibaata ah eey san u geeysan rayidka kadib markii eey soo baxday warar sheegaayo in eey damacsan tahay dawladi in eey kahortagaan banaabaxa yaasha waa sida uu hadalka u dhiga daahir isaga oo ugu baaqey ciidanka dalka in eeysan u adeegin dano shaqsiyeed



Post a Comment

0 Comments